dooxane Nooc warmaha ka mid ah oo dhexda aroor ku leh.
dooxato Koox burcad ah oo waxa ay arkaan dhaca ama dila.
dooxid eeg doox². ld doox¹ (3).
dooxmid eeg dooxan¹.
dooxnaan eeg dooxan². ld doox- naansho.
dooxnaansho ld dooxnaan.
dooxo1 Dhul hooseeya oo dhinacyada buuro ama dhulal sarreeya ka xigan. dooxo2 (juqr.) Godan dhuuban, dheer oo dhulka korkiisa ah, oo badanaa leh tiiro hoosaad caadi joogto u ah. dooxo-daldalan (juqr.) Waadi laageed ku darma waadi weyn, laagtaas oo ka soo dhacaysa meel joog door ah ka sarraysa waadiga weyn, sidaas darteed biyaha ku qulqulaya waadi laageedkaas waxay ku galaan waadiga weyn si biyo dhac ama daadag ah. D.ooyinka ama waadiyaasha daldalan waxay caan ku yihiin dhulalka socodka baraf weynuhu uu gooyay.
dooy Dhul ciiddiisu midab gaduudan leedahay.
dooyee Fardo ku ilaala tegid.
dooyeyn eeg dooyee. ld dooyeys.
dooyeys ld dooyeyn.
dooyo 1. Col ilaala ah; duul; dad. 2. Caws waaweyn oo dooxooyinka ka baxa oo ay xooluhu daaqaan.
doqon1 Nin aan caqli iyo garaad badan lahayn; dabbaal. doqon2 Haweeney aan caqli iyo garaad badan lahayn. doqondiidsii Is d.: isxariifin.
doqondiidsiin eeg doqondiidsii.
doqonniimo ld doqonnimo.
doqonnimo Doqon ahaansho. ld doqonniimo.
doqonoobid eeg doqonow.
doqonow Doqon noqosho.
doqosh Waddo yar oo aan toos ahayn, ciriirina ah oo guryo dhexdooda marta.
doro Ciyaarta turubka marka ay laba kooxood oo iska soo horjeeda ay tiro isle'eg iska qabtaan; baatad.
dorraad Maalinta la joogo maalinteeda saddexaad ee la soo dhaafay, maalintii shalay ka horreysay. ld darraad, dorraato.
dorraato ld dorraad.
dotoor ld doktoor.
dotoornimo ld doktoornimo.
dow ld daw¹.
dowddar1 Qof mashaqeeste ah oo aan wax laheyn. ld dawdar¹.
page : 194 of 218
<< < 189 190 191 192 193 194 195 196 197 198 199 > >>