Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: olmon
dubaaxasho ld dibaaxasho.
dubaaxi ld dibaaxi.
dubaaxin ld dibaaxin.
dubaaxis (1) ld dubaaxin.
dubaaxis (2) ld dibaaxis².
dubaaxo ld dibaaxo.
duban Ciyaarta dubnadda hal gacan ku guulaysasho.
duban (1) Wax la dubay noqosho.
duban (2) Wax la dubay ahaansho.
dubasho eeg dubo.
dubayo Qaruhu marka uusan weli bislaan. ld bicir.
dubayoobid eeg dubayow.
dubayow Candho xoolaad oo caano ka dhammaadeen isku dhadid.
dubbad (1) ld dibbad.
dubbad (2) Bir kuusan oo lugo ay isku taagto iyo dhego la qabto leh oo tumaalku biraha uu tumayo dusha ka saaro.
dubbadhac (1) ld dubbadhicid.
dubbadhac (2) Isku d.: is abaabulid; is habayn.
dubbadhicid eeg dubbadhac². ld dubbadhac¹.
dubbarrid Isku d.: wax abaabulid; wax habayn.
dubbarridid eeg dubbarrid.
dubbasho ld dibbasho.
dubbe Qalab ka kooban bir kuusan oo qalab kala duwan leh iyo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu farsamaynayo; burris.
dubbee Wax dubbe ku garaacid.
dubbeyn eeg dubbee. ld dubbeys.
dubbeys ld dubbeyn.
dubbeysan Wax dubbe lagu garaaco ahaansho.
dubbeysnaan eeg dubbeysan. ld dubbeysnaansho.
dubbeysnaansho ld dubbeysnaan.
dubbo ld dibbo.
dubbur Tuubada dheef-shiidka afkeeda hore ee saxaradu ka baxdo; futo.
<< < 191 192 193 194 195 196 197 198 199 200 201 > >>

 

Exit mobile version