cafiyid eeg cafi². ld cafin.
cag 1. Canqawga inta ka hooseysa ee lugta dadka ama nafleyda qaarkeed. 2. (fk) C.ta/c.aha: imminka; hadda.
cag-adayg Dhul aan la budlin oo ciiddiisu adagtahay.
cag-qoolaaban (daaw.) Qaabdarro cageed oo lagu dhasho saameyn kartana hal cag ama labada cagoodba taasoo qofka qaba uusan cagta cad wada dhig karin dhulka. Nooca ugu badan (Talipes Equinovaris) lugtu waxay u godontahay hoos waxayna u qalloocantahay gudaha sidaas darteed qofka qaba wuxuu u socdaa girgirka dibadda xiga ee dusha cagta.
cagaag (1) 1. Wax sida dhagax, gaxandho iwm oo cagaha waxyeela marka kabo la'aan lagu socdo. 2. Meel leh dhagax, gaxandho iwm oo cagaha waxyeela marka kabo la'aan lagu socdo. 3. Dhibaatada caguhu ka mutaan marka lagu socdo meel leh dhagax, qaruurax, gaxandho iwm. 4. ld cagaagid.
cagaag (2) Cagaag dareemid.
cagaagan Wax aan kabo haysan ahaansho.
cagaagid eeg cagaag². ld cagaag¹ (4).
cagaagnaan eeg cagaagan. ld cagaagnaansho.
cagaagnaansho ld cagaagnaan.
cagaagsan Wax cagaag hayo ahaansho.
cagaagsanaan eeg cagaagsan. ld cagaagsanaansho.
cagaagsanaansho ld cagaagsanaan.
cagaaji Wax si ay meel uga fogaadaan aad u cayrin.
cagaajin eeg cagaaji. ld cagaajis.
cagaajis ld cagaajin.
cagaar 1. Midab u eg kan caleenta iyo cawska marka ay dooganyihiin. 2. Doog. 3. Qudaar.
cagaaran Wax cagaartay ahaansho.
cagaarasho eeg cagaaro.
cagaari 1. (f.g) Wax cagaar ka dhigid. 2. (f.mg) Caano la lulayo dhibcihii ugu horreeyey oo subagga ahaa bilaabid.
cagaarin eeg cagaari. ld cagaaris.
cagaaris ld cagaarin.
cagaariye (baay.) Walaxda mas'uulka ka ah midabka cagaaran ee dhirta badidoodu leedahay, molikiyuulka cagaariyuhu waa xudunta ugu muhimsan ee nuugista ilayska marka la eegayo falgallada ilayska ee footoosintasiska.
cagaarnaan eeg cagaaran. ld cagaarnaansho.
cagaarnaansho ld cagaarnaan.
cagaaro 1. Wax cagaar noqosho. 2. Caano la lulayo firfiryeelasho.
cagaarshow 1. Cudur dadka ku dhaca,beerka waxyeeleeyo, oo indhaha iyo kaadida cagaarsha. 2. (daaw.) Hurdi noqoshada ama cagaarashada jirka meelo ka mid ah sida: maqaarka, caddaanka indhaha; taas oo tilmaameysa biilirubiinka oo dhiigga ku badan. ld Indhacaseeye.
cagaarside (baay.) Cagaarside laga helo unugyada dhirta waaweyn iyo aljiga. Marka laga reebo cagaar-buluugga ah dhirta waaweyn C.duhu wuu wareegsanyahay sida saxanka oo kale, laakiin ka aljigu wuu muuqaalo badanyahay.
cagaaryahan Dad qudaarta ku nool oo aan hilibka cunin.
cagabbaruur 1. Dhasha yaryar ee libaaxa. 2. Ilmo aad u cayilan oo aan socod weli gaarin.
<< < 196 197 198 199 200 201 202 203 204 205 206 > >>