dugul D. ah: midab aad u madow.
duhur 1. Waqtiga u dhexeeya harka ilaa casarka. 2. Salaadda xilliga la tukado.
duhur-kulul Xilliga u dhexeeya 1-da duhurnimo ilaa 2-da.
duhurnimo Duhur ahaansho.
duhursasho ld duhurso.
duhurso Waqtiga duhurka meel ku sugnaan.
duji 1. Wax dhammaystirid. 2. Wax afgembiyid. 3. ld tuji.
dujin eeg duji. ld tuji. ld dujis.
dujis ld dujin.
dukaafad Meel qashinka lagu daadsho; qashinqub. ld duggaafad, kuddaafad.
dukaan Qol khaanado alaabta la saaro leh oo cuntada, dharka iwm lagu gado.
dukaanle 1. Qof dukaan iibiya. 2. Qof dukaan leh.
dukad ld tukasho.
dukhun ld duqus.
dukhuun Dad ama xoolo aad u gaboobay oo tabar dhigay; sirqo.
duko ld tuko.
dul 1. Labada dalool ee sanka middood. 2. Dalool kasta oo yar.
dul1 1. Oogada sare ee wax kasta leeyihiin. 2. Meel sare oo dhulka intiisa kale ka yara kacsan. 3. Sabir iyo adkeysi dhibaato loo yeesho. dul2 (juqr.) Aad u fidsan, waa heer ama ugu badnaan heer meeleed oo dhul dheer, dhul sare ah. dul-ordid eeg dul-orod.
dul-orod Wax dushooda ku ordid.
dulaandul Labada muruq ee dhaadheer oo lafdhabarta labadeeda dhan ku kala yaal midkood; daqay.
dulalaati Dalool yar, ka bannaan wax is haysta ama jiq oo cirku muuqdo. ld dululaati.
dulan1 ld dulmi¹. dulan2 ld dulmi². dulbaa'i D. ah: jaho muuqata oo fog; dhinac; doc; xag.
dulbaax 1. Xuub jilicsan, cad oo haragga iyo hilibka u kala dhexeeya. 2. Hilib aan marax ahayn. 3. Dooxo.
dulbadi Sabir iyo adkeysi badan oo dhibaatooyinka loo yeesho.
dulbeel1 Dhaawac midda uu dusha ka dhaawacmo neef gaadiid ah oo la rarto. dulbeel2 Neef gaadiid ah dusha ka dhaawacmid rar la saaray awgeed.
page : 201 of 218
<< < 196 197 198 199 200 201 202 203 204 205 206 > >>