dulun2 ld dulmi². dulundulcee Biyo, mas iwm si dulundulco ah u socosho.
dulundulceyn eeg dulundulcee. ld dulundulceys.
dulundulceys ld dulundulceyn.
dulundulceysii Si dulundulco ah u wadid.
dulundulceysiin eeg dulundulceysii.
dulundulco Socod si talantaalli ah dhinac loogu leexdo oo maska, mulaca, abeesada iwm leeyihiin.
dulxawaaree Wax dulmarid; wax korduulid.
dulxawaareyn eeg dulxawaaree.
dulxumo eeg dulxun.
dulxun Wax aan sabir lahayn ahaansho.
dulyar Wax aan dulqaad lahayn ahaansho.
dulyaraan eeg dulyar. ld dulyari, dulyaraansho, dulyaro.
dulyaraansho ld dulyaraan.
dulyari ld dulyaraan.
dulyaro ld dulyaraan.
dulyeelad ld dulyeelasho.
dulyeelasho eeg dulyeelo. ld dulyeelad.
dulyeelo Sabir iyo dulqaad ku sifoobid (qof).
dumaa Caws gaboobay.
dumaal1 1. Naag laga dhintay oo nin qaraabo la ahaa ninkeedi hore guursado. 2. Roob yar; shuux. dumaal2 Naag nin qaraabo ahi ka dhintay guursasho. dumaalid eeg dumaal². ld dumaalis.
dumaalis ld dumaalid.
dumaashi1 Nin naagta uu qabo walaasheed wax uu u yahay. dumaashi2 Qof dumar ah, waxa ay u tahay ninka walaasheed qaba. duman1 Isu d.: wax isu ururay noqosho (dad ama xoolo). duman2 Wax la isu ururiyay ahaansho (dad ama xoolo). dumar Dadka intiisa dheddig.
dumarnimo Dumar ahaansho.
page : 206 of 218
<< < 201 202 203 204 205 206 207 208 209 210 211 > >>