Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
fanto  (daaw.) Cudur jirka ku dhaca oo nabarro dhacaan iyo malax lihi ka soo yaacaan oo goggooyaan.
faq1  Hadal hoos la isugu sheegid. faq2  Hadal hoos isugu sheegid; shawrid. faqdiiran  1. Wax cararaya meel fog ka sii muuqasho. 2. Qof, qof kale oo hawl haya isagoo dul taagan kuurid. ld fakiiran.
faqdiirnaan  eeg faqdiiran. ld fakiirnaan, fakiirnaansho, faqdiirnaansho.
faqdiirnaansho  ld faqdiirnaan.
faqi  ld fiqi².
faqid  eeg faq². ld fiqid.
faqiir1  Qof dan yar ah oo aan hanti lahayn; cayr, sabool. faqiir2  Faqiir noqosho. ld faqiirow, faqri². faqiirad  Naag sabool ah.
faqiiri  Cid faqiir ka dhigid. ld faqiirtee.
faqiirid  eeg faqiir². ld faqiiroobid, faqrin, faqriyid.
faqiirin  eeg faqiiri. ld faqiirtayn.
faqiiroobid  ld faqiirid.
faqiirow  ld faqiir².
faqiirtayn  eeg faqiirtee.
faqiirtee  ld faqiiri.
faqin  ld fiqin.
faqis  ld fiqin.
faqrad  Qayb kastoo ka mid ah qaybo qoraal.
faqri1  1. Hanti la'aan. 2. F. ah: qof aan hanti lahayn. faqri2  ld faqiir². faqrin  ld faqiirid.
faqrinnimo  Faqri ahaansho.
faqriyid  ld faqiirid.
faquuq1  1. Takoor; karatiil; karaantiil. 2. ld faquuqid. faquuq2  Wax ama qof takoorid. faquuqan  Nafley intii ay la nooleyd wax ka takooran ahaansho.
faquuqid  eeg faquuq². ld faquuq¹ (2).
page : 22 of 73
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>

 

Exit mobile version