Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: boolicun
madluunsanaansho  ld madluunsanaan.
madmad1  1. Hilib qurmay oo googo'ay. 2. Hilib aad loo karshay, karshin. 3. Dhar aad u gaboobay oo marka la taabto dildilaaca. madmad2  1. Wax qurmay oo googo'ay noqosho (hilib). 2. Wax aad loo karshay noqosho (hilib). 3. Wax gaboobay oo googo'ay noqosho (dhar). madmadid  eeg madmad².
madnaan  eeg madan. ld madnaansho, mednaan, mednaansho.
madnaansho  ld madnaan.
madoobaad  Midab madow oo shay ama wax yeeshaan.
madoobaan  eeg madow². ld madoobaansho.
madoobaansho  eeg madoobow. ld madoobaan.
madoobee  1. (f.g) Wax midab madow u yeelid. 2. (f.mg) Ka m.: cilmi, garaad iwm oo cid maskaxdeeda ku jira ka tirtirid.
madoobeyn  eeg madoobee.
madoobeysan  Wax midab madow loo yeelay ahaansho.
madoobeysasho  eeg madoobeyso.
madoobeysnaan  eeg madoobeysan. ld madoobeysnaansho.
madoobeysnaansho  ld madoobeysnaan.
madoobeyso  Wax midib madow u yeelasho.
madoobow  1. Wax midib madow leh noqosho. 2. Uurkutaallo darteed midab madow yeelasho.
madoorsoomaha kala-furanka  (kiim.) Madoorsoomaha dheelitiran ee falgal noociisu yahay kala furanka.
madoorsoomayaal-fisikaad ee salka ah  (fiis.) Qiyaaso fisikaad oo aan isbeddelin meel kasta ama xilli kasta oo la joogo.
madoorsoome  1. (xis.) nambar aan isbeddelin. 2. (fiis.) xiriirka ka dhexeeya laba xaddi ama ka badan tiro go'an oo aan isbeddelin ka soo baxdo isu qaybintooda ama isku dhufashadooda (X=c=4=4x2) b 2 2x2.
madoorsoome-neef  (fiis.) Madoorsoomaha ku jira isle'egta neefta caalamiga ah (eeg heerarka neefta). Waxa uu leeyahay qiimaha 8.31434 JK -1 mol -1.
madoow1  ld madow¹. madoow2  ld madow². madow1  1. Midibka dhuxusha. 2. Mugdi, gudcur. ld madoow¹. madow2  1. Wax midibka dhuxusha oo kale leh ahaansho. 2. Wax mugdi ah ahaansho (meel). 3. Qof uurkutaaleysan ahaansho. ld madoow². madow-hadh  (c.fal.) Hadh dhexaadka dhan ee dhulka ama dayaxa ee madoobaada.
madrasad  1. Dhismo ardada cilmi lagu baro; dugsi. 2. Dugsi ay maaddooyinka lagu dhigto carabi ku baxaan. ld madraso.
madraso  ld madrasad.
maduul  ld madduul.
mafaatiix  eeg muftaax.
page : 22 of 131
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>

 

Exit mobile version