Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhabataysi
kaltiri  1. U k.: xooluhu inta ay biyaha ka qadayaan xisaabin. 2. Wax riman sidkooda u maalmo tirin.
kaltirin  eeg kaltiri. ld kaltiris.
kaltiris  ld kaltirin.
kalwi  Wax si degdeg ah oo is dabajoog ah u qabasho ama dhihid.
kalwin  eeg kalwi. ld kalwis (2).
kalwis  1. K. ah: Beer la gooyay xabbad-xabbad badar ah oo haray. 2. ld kalwin.
kalxan  (c.nafl.) Laf samaysa qayb ka mid ah garabka, taas oo iskuxidha lafta ballaaran ee garabka iyo lafta dhafka.
kama'1  ld kamma'¹. kama'2  ld kamma'². kama'id  ld kamma'id.
kaman  ld kaban¹.
kamandhuur1  ld kamandhuurid. kamandhuur2  Si foolxun u fadhiyid. kamandhuurid  eeg kamandhuur². ld kamandhuur¹.
kamas  Inta u dhexeysa koodka iyo sanqaroorka oo ku beegan indhaha oo aad u godan.
kamasha  Gomosho.
kambal1  Agagaarka aqalka. kambal2  1. Kaga k.: cid naf ka qaadid. 2. Is k.: seexasho. kambalid  eeg kambal².
kambani  Hay'ad madax bannaan oo ku hawlan hawlo ganacsi, cilmibaaris iwm.
kambiyaale  Lacag bangi laga deynsado oo muddo xaddidan lagu bixiyo oo ribisaarkeedu badan yahay.
kambrian-ka-horreeye  (jool.) Waqtiga dhan ee qiyaas jiyooloji oo ka horeysay xilligii kambriyanka ee waagii 600 oo milyan oo sano ka hor.
kamiin  1. Cabbid horaadda xoolo ooman. 2. Rabitaan saa'id ah oo cunto iyo cabbitaan loo qabo.
kamiinasho  eeg kamiino.
kamiinjebi  Neef ooman biyo ku qaboobid.
kamiinjebin  eeg kamiinjebi. ld kamiinjebis.
kamiinjebis  ld kamiinjebin.
kamiino  Neef aad u ooman biya cabid.
kamma'1  Wax aan kas ama ula kac loo falin. ld kama'¹. kamma'2  Kas iyo ulakac la'aan wax u samayn. ld kama'².
page : 23 of 73
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>

 

Exit mobile version