Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: boolicun
mafafaay  Babbaay.
mafiiq  Xaaqin. ld minfiiq.
mag1  Diyo. mag2  Khasaaro cid loo geystay qiimaheeda bixin. 2. Diyo bixin. magaad  Budo cad, dhadhan qaraar leh oo tubaakada lagu cuno, siyaabo kalena loo isticmaalo.
magaag1  1. Jirro dadka ku dhacda oo ka timaaddo nafaqo xoolaad la'aan. 2. M. ah: faras aan la jarabarin. 3. ld magaagid. magaag2  1. Nafaqo xoolaad la'aan darteed la jirrasho. 2. Iska m.: laf feenasho. magaagid  eeg magaag². ld magaag¹ (3).
magaalammadax  Caasimad.
magaalaqaran  Qaran hal magaalo ka kooban.
magaalee  Meel magaalo ka dhigid.
magaaleyn  eeg magaalee.
magaaleysad  ld magaalaysasho.
magaaleysasho  eeg magaaleyso. ld magaaleysad, magaaleysi.
magaaleysi  ld magaaleysasho.
magaaleyso  Miyi ama tuulo magaalo ka aadid.
magaalo  Meel dad badani wada degganyahay oo leh guryo badan, waddooyin, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo iwm; beled.
magaaloobid  eeg magaalow.
magaalow  Meel magaalo noqosho.
magaan1  Faras aan orod badan lahayn. magaan2  Hal caano yar; baaqimo. magaay  Jecleysashada uu qof jecleysto cunto aan markaa la hayn. Cali magaaygu wuu ka bi'i lahaa hadduu timir helo.
magac1  1. Erey qof, meel ama wax gaar ahaan loo yaqaan oo loogu yeero. 2. M. leh: qof sharaf, wanaag iyo geesinnimo lagu yaqaan. magac2  (nax.) Qaybaha hadalka mid ka mid ah, oo tilmaama wax nool (gabar, faras iwm), wax aan noolayn (bir, loox iwm) iyo waxyaabo kale. M. caadyaal: wuxuu tilmaama waxyaabo la taaban karo (buug, qalin iwm); m. cillaneed: wuxuu tilmaama shay leh tayo aanay dareemi karin shanta dareemayaal (jacayl, fikrad, run iwm); m. gaar: magac si gaar ah u tilmaama noole ama shay (Maandeeq, Xamar, Cali, Jubba iwm); m. guud: magac si guud ah u tilmaama qof, xayawaan ama shay (gabar, lo', magaalo iwm); m. urur: magac tilmaama koox noole ama shay (xayn, geel, dad iwm). magacaabid  eeg magacow². ld magacow¹ (3).
magacdar  Ugu m.: qof, qof kale kala magac dhigid.
magacdarid  eeg magacdar.
magacdarree  Cid sumcaddeeda xumeyn.
magacdarreyn  eeg magacdarree. ld magacdarreys.
magacdarreys  ld magacdarreyn.
page : 23 of 131
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>

 

Exit mobile version