Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhabataysi
reynreyn  eeg reynree. ld reyreyn.
reyree   ld reynree.
reyreyn  eeg reyree. ld reynreyn.
reyte   1. Silig shaqab ah oo sariiraha lagu sameeyo. 2. Miro kuuskuusan oo miraha gobka ka yara weyn leh midab madow oo dharka lagu dhaqan jiray.
rh faktar   (baay.) Koox antijin ah oo unugyada cas-cas ee dhiiggu ay ku leeyihiin ama ayan ku lahayn. Wuxuu saldhig u yahay habka qaybta dhiigga ee reesuus.
ri'   Neef aricad ah oo dheddig ah.
rib  R. ah: hoore adag.
ribad  ld ribasho.
ribasho  eeg ribo². ld ribad.
ribee   1. Cid masabidid. 2. U r.: cid u hanjabid.
ribeyn  eeg ribee.
ribinriibid  eeg ribinriib.
ribisaar1  ld rubisaar¹. ribisaar2   ld rubisaar². ribisaarid  ld rubisaarid.
ribix1  Faa'iidada wax laga helo. ribix2   Wax faa'iido ka helid. ribmidab  (fiis.) Qiyaasta tayada muuqaalka midab. Midabbada caddaan, madow ma laha ribnaan midab, waxana la yiraahdaa waa midabyo haydh leh. Ribmidab waa astaanta midab ka dhigta casaan, buluug, cagaar iwm.
ribnaan  (kiim.) Xaddi walax ah oo ku jira halbeeg-muggeed milan ah. Halbeegga ribnaantu waa mool dm(-3). Ribnaan cufeedku waa cufka milmaha ku jira halbeeg-muggeed kasta. Ribnaanta mool-lani waa inta mool ee milmaha ku jirta halbeeg-muggeed kasta. Ribnaanta moolal waa xaddi walaxeedka ku jira hal kiiloo-garaam oo milaha ah.
ribo1  Hanti dulsaar ah oo laga qaato hanti la is amaahiyay. ribo2   Nafley salka ku siqid. ribxid  eeg ribix².
ricidh   (c.nafl.) Mid kasta oo ka mid ah lafaha sameeya taxa lafdhabarta. ld ricir (1).
ricir   1. ld ricidh. 2. Buur yar oo dhul siman ku taal.
rid   1. Wax hoos u sii deyn. 2. Qof jago ama dhibco ka qaadid. 3. Xabbad, waran iwm gannid. 4. Wax wax kale dul saarnaa ka tuurid. 5. Ka r.: dugaag ama tuug wax uu sito ka dhigid. 6. Ku r.: xoolo ama dad jid ay maraan ku hagaajin. 7. U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin si wax ku jira loogala soo baxo. 8. Isha ka r.: arrin xalkeeda asiibid. 9. Dib u r.: arrin fulinteeda dib u dhigid.
ridan   Xabbad wax la riday noqosho.
ridasho  eeg rido.
riddaami   Wax culus hore u riixid.
riddaamin  eeg riddaami.
riddo  1. Waran, hooto iwm oo si xoog leh loo tuuray. 2. Diin lagu jiray oo laga baxo, laga noqdo.
page : 23 of 40
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>

 

Exit mobile version