galangalcoobid eeg gangalcow.
galangalcow Cayil ama dhereg la socon waayid.
galasac1 Caano dhaynimadii ka tegay welina aan suusac noqon. galasac2 Caano heer ay dhaynimadii ka tegeen, suusacna aanay noqon gaarid. galasicid eeg galasac².
galawkooma (daaw.) Xaalad cudureed oo cadaadiska isha dhexdeeda uu aad u sarreeyo wuxuuna keeni karaa indhabeel.
galax 1. Caano dhay ah oo la qaboojiyey. 2. ld kalax.
galayax Wax midabkiisu cad yahay.
galaykojiin (kiim.) Boolisakarayd ka kooban bolimeer gulukows ah oo faracyo badan leh oo laga helo nudaha xayawaanka, gaar ahaan beerka iyo unugyada muruqyada. Waa kaydka muhiimka ah ee tamarta kaarboo- haydrayd ee unugyada xayawaanka, waxaanay u egtahay rucub xubuub ah oo saxarro yar ah.
galayn eeg galee.
galaysan Wax gal ku jira ahaansho.
galaysnaan eeg galaysan. ld galaysnaansho.
galaysnaansho ld galaysnaan.
galbasho eeg galbo.
galbeed Dhanka qorraxdu u dhacdo; bogox, bugux.
galbeedi Wax kastoo galbeed loo nisbeeyo.
galbi 1. Aroos aqalgeyn. 2. Cid meel aadeysa sagootin. ld gelbi.
galbin eeg galbi. ld galbis¹, gelbin, gelbis.
galbis1 ld galbin. galbis2 Ciyaar dumarka u gaar ah oo la cayaaro, sida buraanburka, munaasabadaha aroosyada. galbo 1. Galab carraabid. 2. Tegid aan soo noqosho lahayn sameyn. 3. Aqalgelid (guur).
galcad Xamaarad. ld galangalcayn.
galcasho ld galangalcayn.
galco Xamaarasho. ld galangalcee.
galda' Ku g.: cid si ba'an ugu goodiyid.
galdhacsad ld galdhacsasho.
galdhacsasho eeg galdhacso. ld galdhacsad, galdhacsi.
galdhacsi ld galdhacsasho.
galdhacso Nafley sida mas, abeeso iwm xuubka sare ridid.
galdi'id eeg galda'.
page : 24 of 102
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>