Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xuubka saynuufiyal
layloon Dhar jilicsan, qafiif ah, jirku ka muuqdo oo aan ka samaysnayn cudbi, iyo xariir midna. ld nayloon.
laylyan Wax la tababbaray ahaansho. ld laylisan.
laylyanaan eeg laylyan. ld laylisanaan, laylisanaansho, laylyanaansho.
laylyanaansho ld laylyanaan.
laylyid eeg layli². ld laylis, layliyid.
layn (1) 1. Xarriiq toosan oo meel ku calaamadaysan. 2. Saf. 3. Xarig koronto, taleefan iwm oo isku xira laba meelood ama in ka badan.
layn (2) eeg lay.
layr Dabayl aan xoogganayn oo qabow; neecaw.
layrad ld layrasho.
layrasho eeg layro. ld layrad.
layri Wax dabayl u dhigid.
layrin eeg layri.
layro Dhanka dabayshu ka imaanayso aadid (xoolo iwm).
layrsad ld layrsasho.
layrsasho eeg layrso. ld layrsad.
layrso Neecaw isu dhigid.
laysad ld laysasho.
laysasho eeg layso. ld laasad, laasasho, laysad, laysi.
layso Wax dhammaysasho. ld laaso.
laystaan (1) L. ah: nin dhibaato iyo waxyeello badan leh.
laystaan (2) Waxyeello badan oo cidi geysato.
le'ad ld le'asho.
le'asho eeg le'o. ld le'ad.
le'eg La siman; la mid ah; la fil ah; aan ka yarayn kana weyneyn.
le'ekaan eeg le'eg. ld le'ekaansho.
le'ekaansho ld le'ekaan.
le'ekayn eeg le'ekee.
le'ekaysii Ku jaangoyn; wax le'eg ka dhigid; la simid.
le'ekaysiin eeg le'ekaysii.
le'ekee La ekayn; la mid noqosho; la simid; isku in keenid.
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>

 

Exit mobile version