saloognaan eeg saloogan². ld saloog-naansho.
saloognaansho ld saloognaan.
salool1 1. Hilib odkac ah oo subaggii laga miiray. 2. Badar, raran kulul ama dufan lagu dubay. salool2 Hilib salool ka dhigid. saloolad ld saloolasho.
saloolasho eeg saloolo. ld saloolad.
saloolid egg salool².
saloolo 1. Badar raran ama dufan ku dubasho. 2. Ariga iyo ugaarta qaarkeed, si ay u daaqaan jeenyaha geed ku qabsasho.
salooto 1. Qolka fadhiga. 2. Qalabka lagu fariisto ee qolka fadhiga la dhigo.
salow1 1. Wax aasaas leh noqosho. 2. Wax la xaqiijiyey noqosho. salow2 ld salaw². salsal1 Hees awrta loogu heeso. salsal2 U s.: awr u heesid. salsalid eeg salasal².
saluug1 Qawadidda qof wax la siiyey ka qawado. saluug2 Qof wax la siiyey ka qawadid. saluugid eeg saluug². ld saluugmo.
saluugmo Qawadidda wax laga qawado. ld saluugud.
saluugsan Cid wax la siiyey ka qawadday ahaansho.
saluugsanaan eeg saluugsan. ld saluugsanaansho.
saluugsanaansho ld saluugsanaan.
salwi Nafley salaw ku ridid.
salwid eeg salaw².
salwin eeg salwi.
salwo Nooc cayaarihii hore ka mid ah (batar).
salxaale (xis.) Shaxan adke ah oo ku soohdimaysan dulo (wejiyo) leh qaab geesoole. Barta ah halka ay iska gooyaan saddex ama wax ka badan oo dulo (wejiyo) ah oo ku yaalla salxaale waxa la yiraahdaa gees, xarriiqda ah halka ay iska gooyan labada wejinna waxa lagu magacaabaa geftin. Salxaalaha simman dhammaan wejiyada waa geesoole simman oo isku sargo'an.
salxanyo ld salxo.
salxo Wejiga korkiisa, labada meelood oo kor u jiidan oo aan timaha lahayn ee foodda labadeeda dhinac ku taal. ld salxanyo.
samaacad Qalab tamarta danab u beddesha tamar jabaq. Waa qaybta ugu dambeysa ee inoo fududeysa maqalka wararka idaacadaha, telefoonnada iwm. Samaacaddu waxaay qabataa shaqo lid ku ah ta maykarafoonku qabto, waxana ay awood u leedahay in baahinta codka kordhiso, gaarsiisana meelo fog. eeg maykarafoon.
samaan1 ld sabaan.
page : 25 of 118
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>