rigrigee Weel rigrigo u yeelid.
rigrigeyn eeg rigrigee.
rigrigid eeg rigrig².
rigrignaan eeg rigrigan. ld rigrig-naansho.
rigrignaansho ld rigrignaan.
rigrigo1 1. ld rigrig 1. Tolmo isdhaafdhaafsan oo weelka afkiisa lagu sameeyo si dilaaca looga ilaaliyo. 2. Dagaal weyn oo lagu hoobtay. rigrigo2 Weel rigrig ku tolasho. riibi Dhuug; gendi.
riibibax1 Qaxidda laga qaxo meelaha riibigu ka kaco. riibibax2 Meel riibi leh ka qaxid. riibibixid eeg riibibax².
riibisheex Neef xoola ah oo cudurka riibiga guri ka ah.
riig1 Mishiin culus oo ceelasha dhaadheer lagu qodo si biyo, macdan iwm looga soo saaro. riig2 R. ah: hilib dhaylo ah. riigbax1 1. R. ah: weel gaaray waqtigii uu hooraha lagu shubo ceshan lahaa. 2. ld riigbixid. riigbax2 Weel waqtigii uu hooraha lagu shubo ceshan lahaa gaarid. riigbixid eeg riigbax². ld riigbax¹ (2).
riiji 1. Wax liiliijin ama gilgilid. 2. Nafley nafaqo siin.
riijin eeg riiji.
riimid eeg riin².
riin1 ld reen¹. riin2 ld reen². riinje Quwaaxa meseggada nooca la ruugo oo macaan biyo badanna leh; kiinje.
riiq1 1. Iligga intiisa cirridka ku dhex-jirta. 2. Birta faaska inteeda dhuuban ee daabka la dhex-geliyo. riiq2 Adkeysiga loo yeesho orodka muddo dheer. ld riir². riiq3 1. Badar cajiimid. 2. Dhuxul budlin si khad looga dhigo. riiqan1 1. Wax riiqmay noqosho (badar, dhuxul iwm). 2. Neef xoolaad wax caato la socon waayey noqosho. riiqan2 Wax la riiqay ahaansho (badar, dhuxul iwm). riiqasho eeg riiqo.
riiqid eeg riiq³.
page : 26 of 40
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>