riig
(m.l) (-gag, m.l)

Mishiin culus oo ceelasha dhaadheer lagu qodo si biyo, macdan iwm looga soo saaro.

riig
(Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate)

R. ah: hilib dhaylo ah.

riigid*

Qooleyda marka ay iskutag sameynayaan


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

cafaariigsi*

diyaar garow shey


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh riig

betrooliyam [m.l]
(kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

cariigsad [m.l]
ld cariiqsasho.

cariigsasho [m.dh]
ld cariiqsasho.

cariigsi [m.l]
ld cariiqsasho.

cariigso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
ld cariiqso.

ceel [m.l] (-lal, m.l)
(jool.) Il-biyood dhulka hoostiisa ah oo lagu helay riig oo laga qoday oogada dhulka ilaa oogada biyaha hoose, biyahaa waxa markaa loo soo saaraa ama loo soo afuufaa oogada dhulka. Haddii ceel ka hoos maro oogada biyaha hoose xilliga qoyaanka, oo aanu aad hoos uga dhicin oogada biyaha hoose ee joogtada ah, wuxuu biyo yeelanayaa xilliga qoyaanka, haddii uu gaaro oogada biyaha hoose ee joogtada ah, dabadeed weligii biyo ayuu yeelanayaa.

riigbax [m.l]
1. R. ah: weel gaaray waqtigii uu hooraha lagu shubo ceshan lahaa. 2. ld riigbixid.

riigbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Weel waqtigii uu hooraha lagu shubo ceshan lahaa gaarid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg