Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: margaag
cinaadi C. ah: qof cinaad badan. ld canaadi.
cinaadid eeg cinaad². ld canaadid.
cinaadnimo Cinaad ahaansho. ld canaadnimo.
cinab ld canab.
cindi Niyad; qalbi.
cindiid Caano biyo ka badan lagu daray. ld candiid.
ciniin (1) Nin aan dumarka u galmoon karin, u tegiddooda aan karti u lahayn. ld caniin¹, cinniin¹.
ciniin (2) Nin aan dumarka u galmoon karin noqosho. ld caniin², cinniin².
ciniini Nin ciniin ka dhigid. ld caniini, canniini.
ciniinid eeg ciniin². ld caniinid, cinniinid.
ciniinin eeg ciniini. ld caniinin, ciniinnin.
ciniinnimo (daaw.) Awood la'an ninku u sameyn kari waayo galmo. ld caniinnimo, cinniinnimo.
ciniq 1. In yar oo dheeraad ah oo la siiyo qof wax gatay. 2. Hambo. ld iniq.
cinji ld ciddi.
cinjigod ld ciddigod.
cinjir 1. Geed leh laamo jilicsan, caleemo iyo iniino yaryar iyo cananno cad oo ka baxa dhulka kulaylaha. 2. Dhacaanka geedka cinjirka. 3. C. ah: shay ka sameysan dhacaanka cinjirka; xabag; ramal; goome.
cinjirrageed (daaw.) Gal ka sameysan cinjir xariir oo guska la galiyo marka galmada; cinjirkaasu wuxuu labada qofba ka xafidaa cudurrada galmada, wuxuu celiyaa uur qaadidda.
cinniin (1) ld ciniin¹.
cinniin (2) ld ciniin².
cinniini ld ciniini.
cinniinid ld ciniinid.
cinniinin ld ciniinin.
cinniinnimo ld ciniinnimo.
cinwaan ld cunwaan.
ciqaab (1) Jirrabaad qof gef sameeyey la mariyo.
ciqaab (2) Cid gef sameysay jirrab marin.
ciqaaban Cid, wax la ciqaabay ahaansho.
ciqaabid eeg ciqaab².
ciqaabnaan eeg ciqaaban. ld ciqaabnaansho.
ciqaabnaansho ld ciqaabnaan.
<< < 251 252 253 254 255 256 257 258 259 260 261 > >>

 

Exit mobile version