ciqaab
(m.l)Jirrabaad qof gef sameeyey la mariyo.
ciqaab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)Cid gef sameysay jirrab marin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ciqaab ↴
jaasee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-seeyay, -seysay)
Ka j.: fal xun oo qof sameeyey ku ciqaabid.
saamax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday; -mixi)
Wax xun oo cid fashay ama loo haystay ciqaabtii ay mutaystay ka cafin.
baq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday; -biqi)
1. Wax xumaaday oo aan la dhami karin noqosho (caano). 2. Baqdin dareemid. 3. Ka b.: sharci, qawaaniin iwm wax khilaafsan faliddiisa ka digtoonaan si looga baxsado ciqaabta ay jebintiisu leedahay.
cadaab [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. (dii.) Meel aad u kulul, dhibaato badan oo lagu ciqaabo inta Eebbe ku caasiday marka ay aakhiro tagaan; naar. 2. Dhibaato weyn; silic; rafaad.
cadaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. (dii.) Eebbe, inta caasiday naar gelin. 2. Cid ciqaabid.
ciidmaris [m.l]
Hab loo ciqaabo qofka hanadu gasho (herin).
ciqaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Cid, wax la ciqaabay ahaansho.
ciqaabid [m.f.dh]
eeg ciqaab².