qamis2 Rati xarig gafuurka u gelin si hoggaamintiisu u fududaato. qamisan Wax qamis gafuurka loo geliyay ahaansho.
qamisasho eeg qamiso.
qamisid eeg qamis².
qamisnaan eeg qamisan. ld qamisnaansho.
qamisnaansho ld qamisnaan.
qamiso Awr qamis gashasho (qof).
qammaac1 Buuq; yulqan. qammaac2 Buuq ama yulqan badan sameyn (cid). qammaacid eeg qammaac².
qammaad1 1. Baajinta ama ka wareegidda wax sameyntooda. 2. Miyir doorsoomidda lala miyirdoorsoomo harraad, gaajo iyo daal badan. 3. Leexashada meelhalis ah laga leexdo. 4. ld qammaadid. qammaad2 1. Harraad, gaajo iyo daal badan la miyirdoorsoomid. 2. Ka q.: wax sameyntooda ama meel mariddeed ka wareegid. qammaadi 1. Ka q.: cid meel xoog kaga celin. 2. Ka q.:wax meel halis ah ka weecin.
qammaadid eeg qammaad². ld qammaad¹ (4).
qammaadin eeg qammaadi.
qammaadsan Harraad, gaajo iyo daal awgii wax la miyirdoorsoomay ahaansho.
qammaadsanaan eeg qammaadsan. ld qammaadsanaansho.
qammaadsanaansho ld qammaadsanaan.
qammaamiir ld qammaamuur.
qammaamuur Ragga intiisa qiimaha iyo qaddarinta ku leh bulshada dhexdeeda. ld qammaamiir.
qammi ld hammi¹.
qamuunyeeysan Wax ciil iyo caro awgeed bushimaha la qaniinaaya ahaansho.
qamuunyeysnaan eeg qamuunyeeysan. ld qamuunyeeysnaansho.
qamuunyeysnaansho ld qamuunyeysnaan.
qamuunyo Ciil iyo caro badan oo bushinta hoose lala qaniino.
qamuunyoo Ciil iyo caro badan darteed faruuryo la qaniinid.
qamuunyood eeg qamuunyoo.
qamuuri Wax dedid.
qamuurin eeg qamuuri. ld qamuuris.
qamuuris ld qamuurin.
page : 28 of 86
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>