karuur (3) Alaab iwm meel tuurid.
karuur (4) Caano geel dhanaan noqosho.
karuurad ld karuurasho.
karuuran (1) Wax meel tuurmay noqosho.
karuuran (2) Wax meel tuuran ahaansho.
karuuran (3) Caano karuur noqosho.
karuuran (4) Caano karuur ahaansho.
karuurasho eeg karuuro. ld karoorad, karoorasho, karuurad.
karuurid 1. eeg karuur ³. 2. eeg karuur4.
karuurmid 1. eeg karuuran¹. 2. eeg karuuran³.
karuurnaan 1. eeg karuuran². 2. eeg karuuran4. ld karuurnaansho.
karuurnaansho ld karuurnaan.
karuuro Wax badan is dul saarasho. ld karooro.
karwaliin Dareere kiimiko ku jirto oo musqulaha lagu dhaqo.
kas (1) 1. Awood maskaxeedka wax lagu kala garto. 2. Ulakac; bareer.
kas (2) 1. Wax macnihiisa garasho. 2. U k.: wax ulakac u sameyn.
kasab (1) Hanti dhibaata badan loo maray helitaankeeda.
kasab (2) Wax si dhib leh ku helid; tacbid.
kasaliim Kabax.
kasbasho eeg kasbo².
kasbayn eeg kasbee.
kasbee Badar jawaan ku jira kasbo ku hubin.
kasbid eeg kasab².
kasbo (1) Bir af dhuuban oo lagu eego muunada badar jawaan ku jira; bunbay.
kasbo (2) 1. Wax tacbasho. 2. Cid kalsoonideeda hanasho.
kasdaran Wax aan garasho badan lahayn ahaansho.
kasdarnaan eeg kasdaran. ld kasdar-naansho.
kasdarnaansho ld kasdarnaan.
kasdarro 1. Garasho yari. 2. Degga-naan la'aan iyo fudfudeyd cidi leedahay.
kashif (1) 1. K. ah: meel aan asturneyn. 2. Fadeexad. 3. ld kashifid.
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>