Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
kashif2  1. Wax la qariyey sheegid. 2. Cid fadeexo ku sameyn. kashifaad  ld kashifid.
kashifan1  1. Wax qarsoonaa oo la sheegay noqosho. 2. Wax la ceebeeyey noqosho. kashifan2  1. Wax qarsoonaa oo la sheegay ahaansho. 2. Wax la ceebeeyey ahaansho. kashifid  eeg kashif². ld kashif¹ (3), kashifaad.
kashifmid  eeg kashifan¹.
kashifnaan  eeg kashifan². ld kashif-naansho.
kashifnaansho  ld kashifnaan.
kashiiddo  ld kashiito.
kashiisho  Badar la shiiday oo la karshey oo lagu cuno sanuunad ama caano; soor. ld gashiisho.
kashiito  Nafley caws ku nool ah oo leh qodxo dhaadheer oo midabbo caddaan iyo madow isugu jira leh, beerahana aad u waxyeelaysa; yaadaddo; dhiddo; caanaqub.
kashkaash1  Caws nagaar iwm oo aqallada lagu goglo, si reyska gogosha looga xijiyo. kashkaash2  Caws, nagaar iwm aqal ku goglid. kashkaashad  eeg kashkaasho.
kashkaashan  Wax la kashkaashay ahaansho.
kashkaashid  eeg kashkhaash². ld kashkaashis.
kashkaashis  ld kashkaashid.
kashkaashnaan  eeg kashkaashan. ld kashkaashnaansho.
kashkaashnaansho  ld kashkaash-naan.
kashkaasho  Aqal kashkaash ku goglasho.
kasid  eeg kas².
kaskaasbax1  Xaalad liidatey oo horey loogu jirey oo laga soo fiicnaado. kaskaasbax2  Xaalad hore oo liidatey oo lagu jirey ka soo fiicnaansho. kaskaasbixid  eeg kaskaasbax².
kaslaan  Qof aan hawsha jecleyn; caajis.
kasmo  Awood maskaxeed wax lagu kala garto.
kasoobbax1  Nabar weyn oo oogada ka soo baxa oo caalir leh. kasoobbax2  (daaw.) Nabar sida qaalibka ah ka weyn kasoobax kuna oolli kara jirka sare iyo uurkujirtadaba. kasoobbax-naas  (daaw.) Halaamacoodka naaska oo sida badan uu keeno baktiiriya ka soo gala ibta.
kasoofeen  Caano dhay ah oo aan weli isbeddelin. kasta s. Mid walba oo ka mid ah wax wada jira oo aan la kala reebeyn; mid k.: mid walba.
page : 31 of 73
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>

 

Exit mobile version