dacwiyid eeg dacwi². ld dacwin.
dacwo ld dacwad.
dacwoo U d.: dacwo sameyn.
dacwood eeg dacwoo.
dacyaal Qori, dhagax iwm oo muddo badan ceel agtiisa yiil.
dad Naaley waxa Eebbe abuuray ugu sarreysa, dhogor lahayn oo garaadkeeda hadal ku cabbiri karta.
dad (1) ld ded¹ (1).
dad (2) ld ded².
dadaabee Neef geel ah jilbaha korkooda ka xirid.
dadaabeyn eeg dadaabee.
dadaabeysad ld dadaabeysasho.
dadaabeysasho eeg dadaabeyso. ld dadaabaysad, dadaabeysi.
dadaabeysi ld dadaabeysasho.
dadaabeyso Awr jilbaha korkooda ka xirid.
dadaal (1) 1. Wax qabad isxilqaamid iyo isku taxallujin leh. 2. Si dhaqso ah oo hawl loo qabto. ld dedaal¹.
dadaal (2) 1. Si isxilqaamid iyo isku taxallujin leh hawl u qabasho. 2. Si dhaqso leh hawl u qabasho. ld dedaal².
dadaalid eeg dadaal². ld dedaalid.
dadab (1) 1. ld dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. ld dadbid.
dadab (2) 1. Ardaa quruxsan oo ay cid u dhisto nin gabar ka doonaya. 2. Rarada la saaro aqalka miyiga.
dadab (3) Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid.
dadabdhig (1) ld dadabgal¹.
dadabdhig (2) ld dadabgal².
dadabdhigid ld dadabgelid.
dadabgal (1) 1. ld dadabdhig 1. Doonidda gabar reerkooda laga doono iyadoo si xushmad leh loo weyddiisanayo. 2. ld dadabgelid.
dadabgal (2) U d.: Reer gabadh si xushmad leh u weydiisasho. ld dadabdhig².
dadabgelid eeg dadabgal². ld dadabdhigid, dadabgal¹ (2).
dadabhambaar ld dadabxambaar¹.
dadabsad ld dadabsasho.
dadabsasho eeg dadabso. ld dadabsad, dadabsi.
dadabsi ld dadabsasho.
<< < 298 299 300 301 302 303 304 305 306 307 308 > >>