dacwo
(m.dh)ld dacwad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dacwo ↴
oog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Dab weyn shidid. 2. Dacwo, rabsho iwm abaabulid. 3. Salaad waajibaadkeeda si wanaagsan u fulin.
oogan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gmay, -gantay; -gmi)
1. Dab wax la oogay noqosho. 2. Dacwo, rabsho iwm wax la oogay noqosho.
oogan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
1. Dab wax la oogay ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo fuliyey ahaansho (salaad). 3. Dacwo, rabsho iwm wax la oogay ahaansho.
ashtakee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
Cid dacwo ku oogid. ld ashkatee, astakee.
ashtako [m.dh] (-ooyin, m.l)
Eedsheegad af ama qoraal ah oo qof ku ooga cid, geeyana maxkamad ama cid kale oo wax ka qaban karto arrintaas; dacwo. ld ashkato, astako.
ashtakoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ashtako ama dacwo oogid. ld ashkatoo, astakoo.
dacwad [m.dh] (-do, m.l)
Dood garnaqsi iyo eedeyn leh oo laba qof ama ka badan dhexmarta. ld dacwi¹, dacwo.
dacwee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -weysay)
Cid dacwo ku oogid.
dacwi [Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2] (-iyay,-iday/-isay; -iyi)
La d.: dacwo jeedin.