liidnimo Nacasnimo.
liido Cid cudur ama dhaqaale darro awgeed la tabar yarayn.
liif1 1. ld luuf. 2. Xashiish jilicsan oo ka hara alwaaxda la qoro. 3. Dhagax xalleefsan oo lagu luufo. 4. Qaynbaar. 5. Sooloji ahaan, dhisme timaha oo kale ah oo dheer, sida tifafka yar yar ee baalasha shimbiraha. liif2 1. Liif ciyaarid. 2. Caatoobid. ld luuf. liifad 1. Tidac dun ah, la geliyo feynuusyada gaaska oo marka la shido bixiya iftiin. 2. Bir yar, buntuqa afkiisa hore ku samaysan oo wax lagu shiisho.
liifan1 Wax caatobay noqosho. liifan2 Wax caatoobay ahaansho. liifid eeg liif². ld luufid.
liifmid eeg liifan¹.
liifnaan eeg liifan². ld liifnaansho.
liifnaansho ld liifnaan.
liig Garanuugta keeda lab.
liil 1. Dun mayraxeed oo adag. 2. L. ah: wax adkaysi leh.
liilami Ku l.: wax meel ku safid.
liilamin eeg liilami.
liilan Dun dhuuban, miiqan oo wax lagu tosho.
liilansan Ku l.: wax wax kale ku lammaan ahaansho.
liilansanaan eeg liilansan. ld liilansanaansho.
liilansanaansho ld liilansanaan.
liilgeli 1. Wax qiimaha ay leeyihiin siin. 2. Wax dhammaystir.
liilgelin eeg liilgeli.
liili Xaskul, harag iwm si ay u jilcaan garaacid.
liilin eeg liili.
liiliye Qalab hargaha lagu jilciyo.
liilliiji Wax meel suran oo adag ruxruxid. ld liiqliiqi.
liilliijin eeg liilliiji. ld liilliijis, liiqliiqin, liiqliiqis.
liilliijis ld liilliijin.
liilo Hees dhaqameed waaya hore la qaadi jirey.
liimadhanaan ld liindhanaan.
liimo ld liin.
page : 32 of 46
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>