telefishen (2) (tegno.) Hab isgaarsineed lagu gudbiyo wararka maqalka iyo muuqaalka. Qaybta ugu muhiimsan hab isgaarsiinta waa kamarada telifishanka oo wararka aragga u beddesha sinyaale danabeed, raacaya mareegta si loogu habeeyo hirarka baaha. Herarkaasi marka ay soo qaadhaan qaybta telefishinka, waxa uu telefishinku u beddelaa hummaag ka muuqda iskiriinka. ld telefisyoon.
telefisyoon ld telefishen¹.
telefoon ld taleefan.
telefooniiste 1. Qof aqoon u leh farsamada teleefoonka. 2. Qof ka shaqeeya xiriirinta teleefoonka.
telekis Aalad wararka la isugu tabiyo oo awtomatig ah.
telfid eeg telef².
tembi (dii.) Kutub ka mid ah kutubta axkaamta islaamka.
temmadi Ku t.: meel u socosho.
temmadin eeg temmadi.
temmedi Wax qiimayn.
temmedin eeg temmedi.
temmin (1) Qiime, sicir. ld tammin¹.
temmin (2) 1. Wax qiimo ama tixgelin gaar ah siin. 2. Qof xurmayn. ld tammin².
temminid eeg temmin². ld tamminid.
teneg 1. (Tunuug, m.dh) Weel bir ah oo wax lagu shubto. 2. T. ah: qof nacas ah.
termuus ld tarmuus.
terniig ld tarniig.
teyoodhalayt (c.fal.) Aalad loo isticmaalo qiyaasta fogaan xagleedka kacsan iyo tan fuqa ah, waxana lagu sameeyaa diirad, taasoo dhaqdhaqaaqeeda si sax ah loo xukumi karo.
teys Orgi.
teysali Jaad ka mid ah geedaha.
teyso 1. Xilli barwaaqo ah oo guga bartamihiisa ku abbaaran. 2. Barwaaqo.
ti ld tiisa².
tib Ul weyn oo siyaalo kala duwan loo isticmaalo, badarkana lagu tumo.
tibaax (1) 1. War aan xaqiiqdiisa la hubin. 2. Qaabka xisaabta aljebriga. 3. ld tibaaxid.
tibaax (2) Wax u malayn.
tibaaxid eeg tibaax². ld tibaax¹ (3).
tibayn eeg tibee.
tibee 1. Qof tib ku garaacid. 2. Wax tib ku tumid.
tibix-guud 1. (xis.) Guud ahaan, qayb ka mid ah isle'eg ama tibaax-xisaabeed. Marka laga hadlaayo tibxaale tibixyadu waa tibaaxaha oo la isugeeyo. 2. (xis.) Tibixda guud ee susun ama dareerin waa tibaax la hoos dhigay abyoone, kaas oo lagu helo geleye kasta ee rabo.
tiblabood Qarnugeyl.
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>