Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: cawirow
daqno ld danqo.
daqramid eeg daqran¹. ld dakhramid.
daqran (1) Wax madaxa dhaawac ka gaarey noqosho (qof).
daqran (2) Wax madaxa daqar ka gaarey ahaansho (qof).
daqranaan eeg daqran². ld dakhranaan, dakhranaansho, daqranaansho.
daqranaansho ld daqranaan.
daqrid eeg daqar². ld dakhrid.
daqsi ld duqsi.
dar (1) 1. Weel ka sameysan bir, qori, harag oo xoolaha biyo loogu shubo. 2. Dhisme dhagax iyo shamiinto ka samaysan oo xoolaha biyo loogu shubo. 3. In xoolo ah oo isku mar ka wada cabta. 4. D. ah: dadkii hore.
dar (2) 1. D.tay, d.taa iwm: awgay, awgaa iwm. 2. D. Alle: Alle dartiis, si niyadsam ah. ld daraad.
dar (3) 1. (f.g) Badar, biyo, caano iwm oo meel ku jira weel in yar uga qaadid. 2. (f.g) Middi, waran iwm wax ku mudid. 3. (f.mg) Ka d.: xaal wax ku sugnaayeen si ka xun noqosho. 4. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku kordhin. 5. (f.mg) Ku d.: nin iyo naag isu guurin.
dar-alla Run ahaan.
daraad ld dar².
daraaf Nuqul, bartilmaan.
daraasad ld daraaso, diraaso.
daraaso Baaridda ama u dhabbagelidda wax la rabo in xogtooda la ogaado. ld daraasad, diraaso.
daraawiish 1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba. 2. Qayb ka mid ah Ciidanka booliiska oo qaabilsan amniga reer guuraaga. 3. eeg darwiish.
darab (1) 1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.
darab (2) 1. Toorrey, billaawe iwm daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay. 2. ld darib.
darab (3) 1. Wax diyaarin. 2. Weel aleelayn.
darabdhaqasho ld darabqaadasho.
darabdhaqo ld darabqaado.
darabqaadasho eeg darabqaado. ld darabdhaqasho.
darabqaado Saxaro iyo kaadi iska dhiqid. ld darabdhaqo.
daradhig (1) 1. D. ah: miro meel sare saaran oo la qallajinayo. 2. D. ah: ilmo dhashay oo aan weli afartankii ka bixin.
daradhig (2) Sariir caws ka samaysan oo aad dhulka ugu dhow.
daraf 1. Meesha wax ugu baallaysa. 2. Labada kobood ee casaamka ah ee derinta dacalladeeda lagu tolo middood.
daragad ld dargad.
darajee Qof, si xushmad iyo qaddarin ku jirto ula dhaqmid. ld derejee.
darajeyn eeg darajee. ld derejeyn.
<< < 322 323 324 325 326 327 328 329 330 331 332 > >>

 

Exit mobile version