Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fidmawade
xeeldheeraansho  ld xeeldheeraan.
xeeldheere   Qof aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah u leh qayb cilmiga ka mid ah.
xeeldheeri  ld xeeldheeraan.
xeelee   Arrin loo baahanyahay tab ku maarayn. ld xeeladee.
xeelo  ld xeel.
xeer1  1. (-rar, m.l) Sharci; dastuur. 2. Xarig kor looga xiro aqalka miyiga si aan dabayshu u qaadin. xeer2   1. Xarig wax kor kaga xirid. 2. Wax sharci kadhigid. xeer ciqaab   (qaan.) X. c. wuxuu ka kooban yahay dhammaan sharci-yada dawladda ee khuseeya dembiyada iyo ciqaabta.
xeer fal-cuf   (kiim.) Marka heerkulku ma doorsoome yahay, dhakhsaha falgalka kiimikaad wuxuu saamiggal qum-man ku yahay cufka firfircoon ee falga-layaasha, cufka fifircoon waxaa loo qaatay ribnaanta mool/dm.3 falgalka soo saara A+B, xeerka fal cuf wuxuu sheegayaa in dha-khsasha = K A iyo B halkaas oo A iyo B ay u taaganyihiin ribnaanta A iyo B ee mool/dm.3.
xeer hees   (kiim.) Haddii falgalayaal loo beddeli karo maxsuullo falgallo isdaba joog ah kaddib, wadarta kulalka falgallada iyadoo la tixgelinayo calaamadahooda waxay la mid tahay kulka falgalka ee kalgalayaasha si toos ah loogu beddelo maxsuullo. Guud ahaan, isbeddelka tamarta oo dhammi marka falgalayaashu noqonayaan maxsuullo kuma xirna jidka la raacayo.
xeer silsilad  (xis.) Hab lagu raadiyo diiranaha fansaar dhawr doorsoome. Xigsinayn ayaa la sammeeyaa iyada oo la eegaayo fansaar kasta, jawaabuhuna waa la isku keenaa.
xeer-ilaaliye   Qof sharci yaqaan oo u xil saaran ilaalinta qaanuunka.
xeer-neefeed  (fiis.) Xeerarka la xidhiidha heerkulka cadaadiska iyo mugga ee neef cufkeedu go'an yahay. Xeerarka neefta ee ugu muhiimsani waa xeerka Boyle iyo kan Jaarlee.
xeeran   Wax la xeeray ahaansho.
xeerar-waarid  (fiis.) Xeer caddaynaya in wadarta xaddiga astaamaha fisikaad sida cuf iyo tamar aanu isbeddelin, inkastoo isbeddel gudeed ka dhex dhaco astaamaha fisikaad.
xeerbeeg  Ikhyaar garta goysa oo wixii la isku qabto loola tago.
xeerburis  ld xeerjebis.
xeerdhaari   Qof aad u yaqaan xeerka.
xeerhoosaad   Nidaam gaar ah, u degsan dad meel wada deggan oo ay isku maamulaan.
xeeri1  Heeryo. xeeri2   Heeryee. xeerid  eeg xeer².
xeerjajab  Si aan waafaqsanayn xeerka oo wax loo xalliyo.
xeerjebis  Qaybaha hadalka mid ka mid ah oo aan xeerka afka u yaal loo adeegsan karin. ld xeerburis.
xeerka 1aad ee Niyuuton1  (fiis.) Walaxi waxa ay ku jireysaa nagaansho ama socod madoorsoome ah oo raacaya xariiq toosan haddii xoog aanu falayn walaxda. xeerka 2aad ee Niyuuton2  (fiis.) Dhaqsaha isbeddelka dahfad ay walaxi leedahay wuxu saamiggal ku yahay xoogga falaya, waxa ayna qaadataa jihada xooggu u falmayo. xeerka 3aad ee Niyuuton3  (fiis.) Fal waliba waxa uu leeyahay falgal le'eg lidna ku ah falkaas. xeerka Aarkimidiyas  (fiis.) Culeyska hoorka ay walax sabbaynaysaa barabixisay waxa uu le'eg yahay culeyska walaxda. Taas oo ah Culeyska (W) ee hoorka barabaxay = Culeyska (W) walaxda.
xeerka Boyl  (fiis.) Haddii cuf go'an ee neef la diisiyo, marka heerkulku yahay madoor-soome, taranta cadaadiska (P) ee hoorka iyo muggiisu (V) waa madoorsoome. P1 V1 = P2 V2 taas oo V1 tahay mugga neeftii marku cadaadisku ahaa P1 ; V2 mugga marka cadaddisku yahay P2.
xeerka danab-soocidda Faaradhay  1. (fiis.) Xeerka 1aad ee danab soocidda Faaradhay: cufka walax ee soocanta, marka ay danab soociddu socoto, waxa uu saamiggal qumman la yahay inta kuulam ee dhexmarta gudbiye milmaha. 2. (fiis.) Xeerka 2aad ee danab socidda Faradhay: haddii xaddi danab oo isku mid ah la dhexmariyo gudbiye milmayaal kala duwan muddo go'an, cufafka walxaha kala duwan ee soocma waxa ay saamiggal qumman la yihiin culeys atameedyadooda oo loo qaybiyey saldanabka ayoonka sida qulqulka danabka.
page : 34 of 60
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>

 

Exit mobile version