meehaal 1. Filad; malayn; taawin. 2. Fikrad.
meehaalad ld meehaalasho, moohaalasho.
meehaalasho eeg meehaalo. ld meehaalad.
meehaali Meehaal samayn (qof).
meehaalin eeg meehaali.
meehaalo Qof meehaal samaysasho.
meehannaabid eeg meehannow². ld meehannow¹.
meehannow (1) Warwareegidda ay naflay ku sameeyaan meel aan baad iyo biyo lahayn. ld meehannaabid.
meehannow (2) Nafley meel aan baad iyo biyo midna lahayn ku warwareegid.
meel Goob; kob; cad.
meelaniin (baay.) Walax madoobeysa timaha, maqaarka iyo madawga indhaha. Waxayna ku jirta unugyo khaas ah ee unugyada maqaarka ka mid ah, qaybta ugu sarreysa maqaarka. Sameynta meelaniinka waxay badataa markii jirka qorraxi ku dhacdo oo waxay maqaarka ku sameysaa midabayn (tannig = abbronzatura) oo ah maqaarka dadka caddaanka ah oo casaan u sii roga, taas oo ka celisa fallaaraha qorraxda qaybaha hoose ee maqaarka.
meelanooma (daaw.) Buro aad u daran (kansar ah) oo ka sameysmata unugyada meelaniinka sameeya (unug meelaniineed). Sida badan kansarkaasu wuxuu ku dhacaa maqaarka, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah qorrax isu dhigga badan. Waxa kale oo u ku dhacaa cudurkaasu indhaha iyo xuubka gudaha ka marsan dalloollada, iwm.
meelayn eeg meelee.
meelaysan Wax la meeleeyey ahaansho.
meelaysasho eeg meelayso.
meelaysnaan eeg meelaysan. ld meelaysnaansho.
meelaysnaansho ld meelaysnaan.
meelayso Wax meel dhigasho.
meeldhexaad 1. M. ah: wax leh qiyaas caadi ah. 2. M.ka: celcelis.
meeldhexe Celcelis.
meelee Wax meel dhigid.
meelgaar (1) M. ah: wax si aan rasmi ahayn loo hayo ama loo isticmaalo. ld meelkuggaar.
meelgaar (2) 1. Ku m.: wax si aan joogto ahayn u hayn ama u isticmaalid. 2 Hanti, gaadid iwm meel ku tegid.
meelgaarid eeg meelgaar².
meelkadhac Khalad cid lagu sameeyo.
meelkuggaar ld meelgaar¹.
meelmaag Qof madax adag oo tiisa uun ku adkaysta.
meelmar (1) 1. M. ah: arrin, talo iwm oo aqligal ah. 2. ld meelmarid.
meelmar (2) Arrin, talo iwm suurto gelid.
meelmari Arrin, talo iwm hirgelin.
<< < 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 > >>