Ereyga Maanta: caynaano
micnagarasho ld macnagarasho.
micnagaro ld macnagaro.
micnayn ld macnayn.
micnays ld macnayn.
micne ld macne.
micnee ld macnee.
micno ld macne.
micraaj (dii.) Habeenkii Nebi Maxamad (n.k.h.a.) samada loo korsiiyay (27 bisha rajab).
micyaan Hunguriga cuntadu marto.
mid (1) 1. Erey wax lab oo keli ah tilmaama; hal. Tus. “Labadii m. baa yimid”. 2. Dad is-raacsan oo isku ujeeddo ah. 3. Kala m. ah: wax kala duwan. 4. Kala m. ah: fikrad, muuqaal, midab iwm cid ka raacid. 5. Jiididda la jiido shaqalka carabiga marka lagu dhawaaqayo.
mid (2) 1. (m.t) Wax tiro ahaan hal ah oo dheddig. 2. Meermeerto weyn oo biyaha baddu sameeyaan.
mid (3) Shaqal carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid.
midaal (xis.) Isle'eg ay ku rumoobayso dhammaan qiimayaasha suurtagalka ah ee loo doorto doorsoomeyaasha ku jira isle'eg.
midaar (1) Dhaqdhaqaaq baaq ah oo cid wax lagu garansiiyo siiba dadka dhegaha la'.
midaar (2) Dhaadhaqaaq baaq ah cid wax ku garan siin.
midaarid eeg midaar².
midab 1. Marka fallaaraha ilaysku ku dhacaan walax ee ay ka soo noqdaan, muunadda ay isha tusaan: sida casaan, cagaar iwm. 2. Nooc ka mid ah kalluunka oo yaryar, oo sharaxsharax leh.
midab-arag-la'aan (daaw.) Xaalad cudureed uusan qofka kala sooci karin aragga midabyo qaarkood. Nooca uga badan waxa la yiraahda daltoonism (protanodia), arkid la'an cagaarka iyo gaduudka (yacnii waa laysku khaldaa labadaa midab).
midabayn eeg midabee.
midabaysan (1) Wax la midabeeyey noqosho.
midabaysan (2) Wax la midabeeyey ahaansho.
midabaysasho eeg midabayso.
midabaysmid eeg midabaysan¹.
midabaysnaan eeg midabaysan². ld midabaysnaansho.
midabaysnaansho eeg midabaysnow. ld midabaysnaan.
midabayso Wax midab yeelasho.
midabbayn eeg midabbee.
midabbee 1. Hadba nooc iska dhigid. 2. Wax midabbo u yeelid.
midabdoori Wax midab ka beddelid.
midabdoorin eeg midabdoori.
<< < 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 > >>