maadin eeg maadi. ld maadis, maarin, maaris.
maadis ld maadin.
maadley Haweenay shaaciro badan.
maadlow Nin shaaciro badan.
maado Ka m.: halis iska ilaalid. ld maaro².
maadsasho eeg maadso.
maadso Ku m.: qof ku dheeldheelid.
maafoos Nooc ka kd mid ah libaax badeedka halista ah. ld maanfoos.
maag 1. Daandaansi; gardarro; abyood. 2. ld maagid.
maag (1) 1. Xad, xuduud. 2. ld maagid.
maag (2) 1. Qof gardarraysasho. 2. Doonid ama damcid.
maag (3) Wax cabsi dartii uga dheeraansho.
maagasho eeg maago.
maageer (1) Deyr wareegsan oo dhagax iwm ka samaysan. ld meegaar¹, waageer¹, weegaar¹.
maageer (2) Dhagax iwm ku meel ood, meel ku wareejin. ld meegaar², weegar², waageer².
maageeran Ku m.: ood dhagax, iwm wax meel lagu wareejiyey ahaansho. ld maageersan, meegaaran, meegaarsan, waageeran,
maageerasho eeg maageero. ld meegaarasho, waageerasho, weegaarasho.
maageerid eeg maageer². ld meegaarid, waageerid, weegaarid.
maageernaan eeg maageeran. ld maageernaansho, maageersanaan, maageersanaansho.
maageernaansho ld maageernaan.
maageero Meel ood dhagax iwm ku wareejisasho. ld meegaaro, waageero, weegaaro.
maageersan ld maageeran.
maageersanaan ld maageernaan.
maageersanaansho ld maageeranaan.
maaggan 1. (f.g) Qof mid kale ku gardaroonaya ahaansho. 2. (f.mg) Qof raba in uu wax sameeyo ahaansho.
maagganaan eeg maaggan. ld maagganaansho.
maagganaansho ld maagganaan.
maagid eeg maag². ld maag¹ (2).
maagid (1) eeg maag². ld maag¹ (2).
maagma (jool.) Walax dhalaashan oo laga helo hoosta dhadhaabada adag ee qolofta dhulka, mararka qaarkoodna waaxa la arkaa marka ay folkanaha ka soo baxayso.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 > >>