gabrar Caalir.
gabrasho eeg gabro. ld gabaarasho.
gabrid eeg gabar.
gabro Nafley badan meel wada fariisasho. ld gabaaro.
gabsas (c.nafl.) Naasley yar oo gafuur dhuuban, dabo dheer oo duf badan iyo midab casaan xigeen ah leh oo ku nool meelaha jiqda ah; saangur.
gabsho Caano aad u dhanaanaaday oo isbeddel ku dhacay.
gabshoo Gabsho noqosho.
gabshood eeg gabshoo.
gabto ld gablool¹.
gabtood ld gablool¹.
gabtool1 ld gablool¹. gabtool2 ld gablool². gabtoolid ld gabloolid.
gabxarar Leg; sakaar.
gabxid eeg gabax².
gabxo Meel aan dhir iyo caws midna lahayn oo lamadegaan ah.
gabyaa Nin hal-abuurka maansada yaqaan. ld gabayaa.
gabyid eeg gabay².
gacal 1. Jacayl cid loo hayo. 2. Saaxiibtinnimo, qaraabannimo, iwm oo cid ka dhexeysa.
gacalcun Cay kaftan ku dheehanyahay oo dad gacal ahi isujeediyaan. ld gacalcunid.
gacalcunid ld gacalcun.
gacaliso Qof haween ah oo aad loo jecelyahay. ld gacalo (1).
gacaliye Nin aad loo jecelyahay.
gacalnimo Gacal ahaansho.
gacalo ld Gacaliso; gacaltooyo.
gacalsad ld gacalsasho.
gacalsasho eeg gacalso. ld gacalsad, gacalsi.
gacalsi ld gacalsasho.
gacalso Qof gacal ka dhigasho.
gacaltooyo Is jeclaan iyo is qaddarin dad ka dhexeysa. ld gacalo (2).
page : 15 of 102
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>