Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
koloraydh  (kiim.) Iskudhis uu ku jiro koloriin.
koloriin  (kiim.) Curiye neef cagaar-hurdi ah oo firfircoon kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyeyaasha). Waxa laga helaa biyaha badda, cusbada harooyinka iyo helaytka (NaCl) oo tuulma fadhiisimo dhul-hoosad ah. K.ta oo ah ogsidheeye xooggan, waxa lagu xisaabay in dhulka oogadiisa ay ka tahay 0.055%.
kombaleeso  1. Wadajir. 2. (muus.) Koox muusig.
kombiyuutar  (tegno.) Aalad ku shaqeysa elektroonik si gaar ahna u qabata xogta lagu kaydiyo, marka loo baahdana si qeexan uga jawaabta.
kongerees  Shirweyne dad badan isugu yimaadaan oo arrimo muhiim ah lagaga hadlo.
kontarabaan  Badeeco aan canshuureyn oo si sharci-darro ah dal ku soo gasha ama uga baxda. ld kontrobaan.
kontomaad  Midka ku abbaaran tirada konton. ld kontonaad.
kontomeeye  Tiro qiyaas ahaan konton u dhow. ld kontomeeyo.
kontomeeyo  ld kontomeeye.
konton  Tiro ka kooban shan meelood oo min toban ah; shan tobnaad; “50”.
kontonaad  Tirada jagaale, kan kontonka u dhigma. ld DSI, kontomaad.
kontorool1  1. Wax baaridda wax la baaro. 2. Meel wax lagu baaro. kontorool2  Wax baarid. kontoroolan  Wax la kontoroolay ahaansho.
kontoroolasho  eeg kontoroolo.
kontoroolid  eeg kontorool².
kontoroolnaan  eeg kontoroolan. ld kontoroolnaansho.
kontoroolnaansho  ld kontorool-naan.
kontoroolo  Wax kontorool ku sameysasho.
kontrobaan  ld kontarabaan.
Koo1  (kuwoo, w) Mgacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. koo2  (kuwoo, w) 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) ld kow. koo-insaym  (baay.) Molikiyuul aan borotiin ahayn oo orgaanik ah, kaas oo ku xidhiidhiya molikiyuul insaym dedejinta falgallada baayokiimi-keed.
koob1  1. Weel yar oo badanaa dheg leh oo wax lagu cabbo; fijaan. 2. Qalab ka samaysan dahab, qalin iwm oo lagu kala qaato tartamada cayaaraha. koob2  1. Wax dham-maantood wada marid ama wada aqoon. 2. Soo k.: arrin iwm soo gaabin. koobaab1  ld goobaab¹. koobaab2  ld goobaab². koobaaban  ld goobaaban.
koobaabasho  ld goobaabasho.
koobaabid  ld goobaabid.
page : 56 of 73
<< < 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 > >>