Ereyga Maanta: gifin
maytoosis (baay.) Qaybsanka unugga si uu u sameeyo laba unug oo mataanaysan oo mid kastaa leeyahay bu'ay ku jiraan tiro isku mid ah oo isku nooca oo koromosoomya ah, sida unugga ay ka yimaadeen.
med (1) ld mad¹.
med (2) ld mad².
medan ld madan.
medid ld madid.
mednaan ld madnaan.
mednaansho ld madnaan.
mee (meedey; meeye/maye) Xaggee ayuu jiraa?, aaway?. Tus. “Wiilku mee?”, “Ku mee?”.
meecaad (1) Cirib dambeed wanaagsan oo ay wax yeeshaan.
meecaad (2) 1. Xiddigaha cirirka tan ugu dambaysa oo u dhexaysa rad dambe iyo godinta. 2. Nasiib wacan.
meecaad (3) Cirib dambeeto wanaagsan yeelasho (wax).
meecaadi Cirib dambeeto oo wanaagsan u yeelid (wax).
meecaadid eeg meecaad³.
meecaadin eeg meecaadi.
meecaadsan Wax cirib dambeed wanaagsan leh ahaansho.
meecaadsanaan eeg meecaadsan. ld meecaadsanaansho.
meecaadsanansho ld meecaadsanaan.
meeday eeg mee.
meedulla (c.nafl.) Qaybta gudaha ku taal ee xubin ama sooh marka ay ka duwantahay qaybta xagga dibedda xigta ee islaxubintaas ama isla soohaas gaar ahaan kelyaha, qanjir kelyodyada iyo qanjirrada liinfada (qanjir-liinfoodyada).
meegaar (1) ld maageer¹.
meegaar (2) ld maageer².
meegaaran ld maageeran.
meegaarasho ld maageerasho.
meegaarid ld maageerid.
meegaarnaan ld maageernaan.
meegaarnansho ld maageernaan.
meegaaro ld maageero.
meegaarsan ld maageeran.
meegaarsanaan ld maageernaan.
meegaarsanaansho ld maageernaan.
<< < 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 > >>