baadiqaris Dad baadida soo gasha haysta oo aan sheegin.
baadisooc (1) Sumad u gaar ah qof oo xoolihiisa ku astaysto.
baadisooc (2) Ka b.: qof, baadi xoolo ku jirta ka aqoonsasho.
baadisoocid eeg baadisooc².
baadiyayn eeg baadiyee.
baadiyaysan 1. Wax la baadiyeeyey ahaansho (xoolo). 2. Wax dariiqa toosan ka leexday ahaansho (qof).
baadiyaysnaan eeg baadiyaysan. ld baadiyaysnaansho.
baadiyaysnaansho ld baadiyaysnaan.
baadiyee Dad ama xoolo baadi ka dhigid.
baadiyoobid eeg baadiyow.
baadiyow Baadi noqosho.
baaf Weel weyn oo bir ah una sameysan sida saxan oo dharka lagu dhaqo.
baafi Baadi, dad badan weyddiin.
baafin eeg baafi. ld baafis.
baafis ld baafin.
baah (1) ld baahid.
baah (2) War, cudur, daad iwm aad u faafid.
baahan 1. Wax baahi hayso ahaansho (nafley). 2. U b.: wax wax u mucurtaysan ahaansho.
baahasho eeg baaho².
baahawadaag B. ah: dad iskaashi iyo wax wadaqabsi ka dhaxeeya.
baahayn eeg baahee.
baahee U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.
baahi U b.: war dad badan u sheegid.
baahi (1) 1. Dareen nafleyda ku dhaca marka ay muddo cunto moogaato; gaajo. 2. Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda. 3. Dhibaato ay keento wax la aantooda. Tus. “Biixi lacag buu baahi u qabaa”.
baahi (2) U b.: cid in ay wax u baahato badid.
baahid eeg baah². ld baah¹.
baahillaawe Qofka aan cidna u baahnayn; Alle.
baahin eeg baahi². ld baahis.
baahirsaaf ld baxarsaaf.
baahis ld baahin
<< < 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 > >>