edbi 1. Qof anshax xun toosin. 2. Asluub fiican cid ku barbaarin.
edbin eeg edbi.
edeb Asluub iyo anshax wanaagsan.
edebdaran Wax anshax iyo asluub xun ahaansho.
edebdarnaan eeg edebdaran. ld edebdarnaansho, edebdarro.
edebdarnaansho ld edebdarnaan.
edebdarri ld edebdarro (1).
edebdarro 1. ld edebdarri. Anshax iyo asluub xun. 2. ld edebdarnaan.
edebdarroo Ka e.: anshax xun ku kicid.
edebdarrood eeg edebdarroo.
edebsami Anshax ama asluub wanaagsan oo cidi ku sifowdo. ld edebsamo.
edebsamo ld edebsami.
edebsan Wax anshax fiican ahaansho (qof).
edebsanaan eeg edebsan. ld edeb- sanaansho.
edebsanaansho ld edebsanaan.
edebsasho eeg edebso.
edebso Ilmo anshax wanaagsan u yeelasho.
edebyeelasho eeg edebyeelo.
edebyeelo Ka e.: edeb lahaansho; dhaqan wanaagsan yeelasho.
edeg1 1. Xero yar oo dhasha xoolaha irmaan lagu xereeyo. 2. Meel ciriiryoon. edeg2 Maqal xoolaad xero yar gelin. edegkudhufaan Orgi yar oo caano nuug isagoo ah xiniinyaha laga baxshay. ld ciddikudhufaan.
edegshoomo Edeg dagiiranka lagu ugaarsado.
edgid eeg edeg².
ee1 1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e. ee2 Eray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo. Tus. “Ee aabbe!”. ld eeyaa. eebasho eeg eebo².
eebbe Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne.
eebo1 1. Nooc ka mid ah warmaha yaryar oo la tuuro. 2. Balaayo. eebo2 Magangelid (qof).
page : 2 of 9
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>