Ereyga Maanta: karaari
buuri (1) 1. Geedo jaadad badan ah oo ubax guduud iyo caddaan ah iyo caleemo waaweyn, oo waran qaabki leh, bixiya; saakarro; tabaako. 2. Caleenta geedahaas oo siyaalo badan loogu isticmaalo (afka oo laga qiiqiyo ama laga cuno, sankoo laga cuno). 3. Waxyaalo kaloo caleemahaas laga sameeyo: sigaar, shurug, saliid, daawo, udgoon iwm. 4. Buuriga la qiiqiyo.
buuri (2) Qof ama wax cayilin, naaxin; wax weynayn.
buurid eeg buur³.
buurin eeg buuri².
buuriyahan 1. Qof sigaarka aad u cabba. 2. Qof tubaakada cuniddeeda badsada.
buurnaan eeg buuran. ld buurnaansho, buurni.
buurnaansho ld buurnaan.
buurni ld buurnaan.
buuro Nafley mid kale si aan ogaan ahayn ugu dhicid; legdid.
buuro (1) Nafley cayilid; weynaansho.
buurqaaf Wax dhib badan oo aan la dhaafi karin.
buuryaggoys ld beejaggoys.
buuryaqab (1) (buuryaqab/-byo, m.dh) Qof aan gudnayn. ld beejaqab.
buuryaqab (2) Gabar aan gudnayn.
buuryo Cadka ka lusha guska intiisa hore oo la gooyo marka la gudaayo wiilasha; yuub, qolof; balag. ld beejo.
buuryo-goys ld beejaggoys.
buus Wax diisid.
buusan (1) Wax la diisay noqosho.
buusan (2) Wax la diisay ahaansho.
buusbuus Meelo badan isaga gudaceshan; diisdiis.
buushe ld buunshe.
buusid eeg buus.
buusmid eeg buusan¹.
buusnaan eeg buusan². ld buusnaansho.
buusnaansho ld buusnaan.
buux (1) 1. B. ah: wax jilaysan. 2. ld buuxid.
buux (2) Wax muggiisa ama qaadkiisu ku jiraan noqosho.
buuxdhaaf (1) 1. Wax muggooda, inta dheeraadka ku ah. 2. ld buuxdhaafid.
buuxdhaaf (2) Wax muggooda in ka badan lagu shubay noqosho.
buuxdhaafi Wax muggiisa in ka badan ku shubid.
<< < 102 103 104 105 106 107 108 > >>

