Ereyga Maanta: biqil
haleeshii  ld haleelsii.
haleeshiin  ld haleelsiin.
halgaad1  1. Wax sida ul, bur, qori ah oo gacanta lagu tuuro si wax loogu dhufto. 2. Tuuryo gacameed. 3. H. ah: ul weyn. halgaad2  Waran, ul iwm cid ku tuurid. halgaadee  Ul weyn wax la dhicid.
halgaadeyn  eeg halgaadee.
halgaadid  eeg halgaad².
halgame  Madaxa herinta, xagga toogta iyo ilaalinta habdhaqankooda.
halgamid  eeg halgan³.
halgan1  Hawl ama wax kale oo qabashadooda loo dagaallamo ama loollan loo galo. halgan2  Herinta inta ugu toog badan marka hargaantiga laga reebo. halgan3  Wax u dagaalamid ama u loollamid. halhaleel  Si dhaqso ah; degdeg. ld hallahalla, hallihalli.
halhayn  eeg halhee. ld halhays.
halhays  1. Erey ama weer qof caadaysto in uu hadalkiisa soo dhexgeliyo had iyo jeer; halqabsi. 2. ld halhayn.
halhee  Mar kasta wax ama qof ka hadlid.
haliil  Ku h.: wax si xad dhaaf ah ugu degdegid (sida wax heliddood ama qof wax gaarsiintii).
haliilid  eeg haliil.
halis  1. Xaalad waxyeello weyn keenta. 2. H. ah: khatar ah (meel).
halisnimo  Halis ahaansho.
haljaflaysad  ld haljalaflaysasho.
haljaflaysasho  ld haljalaflaysasho.
haljaflaysi  ld haljalaflaysasho.
haljaflayso  ld haljalaflayso.
haljafle  ld haljalafle.
haljalaflaysasho  eeg haljalaflayso. ld haljaflaysad, haljaflaysasho, haljaflaysi, haljala
haljalaflaysi  ld haljalaflaysasho.
haljalaflayso  Neef waddo ku socda siiba geela geedaha jidka dhinacyadiisa ku yaal hadba laan ka goosasho. ld haljaflayso.
haljalafle  Goosashada neef waddo ku socda siiba geela, uu geedaha jidka-dhinaciisa ku yaal hadba laan ka goosto. ld haljafle.
halka  goobta, meesha.
page : 22 of 93
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>