sami ld samaan.
samiil ld sabiil.
samir (1) Dulqaad iyo adkaysi dhibaato loo yeesho. ld sabar¹.
samir (2) Dulqaad iyo adkaysi dhibaato u yeelasho. ld sabar².
samirsan Wax samray ahaansho.
samirsanaan eeg samirsan. ld samir-sanaansho.
samirsanaansho ld samirsanaan.
samirsii 1. Qof samir gayeysiin. 2. Qof wax uu ku sabro siin ama u sheegid. ld sabarsii.
samirsiin eeg samirsii. ld sabarsiin, sabarsiis, samirsiis.
samirsiis ld samirsiin.
sammaad (1) Dammaad.
sammaad (2) Qof wax miyir beelay noqosho.
sammaadid eeg sammaad².
sammi (1) Qof, qof kale ay isku magac yihiin.
sammi (2) (nax.) Labo erey oo isku micno leh. Tus. “irrid” iyo “illin”.
sammi (3) Ku s.: qof, qof kale ugu magac darid.
sammin ld sammiyid.
sammiyid eeg sammi³. ld sammin.
samo (1) ld samaan².
samo (2) Cir.
samoolad 1. Roob da'a xilliga xagaaga ah. 2. Xiddig magaciis. ld samuulad.
samow Wax san noqosho.
samri ld sabri.
samrid ld sabrid.
samrin ld sabrin.
samsam Biyo laga helo ceel kacbada ku yaal.
samuulad ld samoolad.
samuun (juqr.) Gudaha Iran, waa dabayl kulul, oo qallalan, oo ah nooca Fohn, taas oo ka soo dhacda buuraha kurdistaan. Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
san (1) 1. Xubin wejiga ku taal oo afka iyo indhaha u dhexeysa oo laba dalool leh oo laga neefsado waxna lagu uriyo. 2. Meel ka soo fiiqan qararka iyo buuraha oo san u eg. 3. Daliig yar oo harag ah oo hargaha kale layskula tolo.
san (2) Wax dhibaato, xanuun iwm aan qabin ahaansho.
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>