kabbo2 Caano, biyo iwm in cantuugo ka yar kol afka ku qaadid. kabboo Kabbo sameyn.
kabbood1 eeg kabboo. kabbood2 Lebbis qaab shaati leh qariya qoorta ilaa lawga, qaro uu dhaxanta ku celiyana leh. kabboosho In yar oo caano, biyo iwm ah oo mar afka lagu qaado.
kabco (dii.) Dhismo muqaddas ah oo muslimiintu u jiheystaan markay tuka-nayaan, oo Maka ku yaal. ld kacbo.
kabee Cid kab ku garaacid.
kabeebey Ciyaar dhaqameed ragga iyo dumarku wada ciyaaraan, leh durbaan, jiib iyo jaan oo laga ciyaaro gobollada koonfureed.
kabid eeg kab³. ld kab¹ (3), kabniin.
kabiir Arday horjooge u ah arday Quraan.
kabixis K. ah: nafley xoog yaraatay qabow awgiis.
kablakac 1. K. ah: qof aan aad u fekerin. 2. K. ah: rayska kabta raaca.
kable Caleen dhul-beereedka ka baxda oo inta la kariyo soorta lagu iidaamo.
kabmid eeg kaban².
kabnaan eeg kaban³. ld kabnaansho.
kabnaansho ld kabnaan.
kabniin ld kabid.
kabo 1. (f.g) Wax jabay kabniin ku samaysasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid.
kabrar1 1. Roobka badan ee da'a marka guga roobyaraan looga baqayo xilligii dhammaado. 2. Xalxal; barar. kabrar2 Nabar caalirid. kabrarid eeg kabrar².
kabrarro Geed quwaax gaaban, xagarka u eg oo leh asal wanaagsan. ld gabrar.
kabriid Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. ld kebriid, kibriid.
kabro Xeego.
kabsad ld kabsasho.
kabsar Nagaar caleemo yaryar oo cunnada lagu udgisto. ld kabsaro.
kabsaro ld kabsar.
kabsasho eeg kabso. ld kabsad, kabsi.
kabsi ld kabsasho.
kabsid 1. Midiidinka liita oo kabaha dadka u qaada; kabaqaad. 2. Qof aan ra'yigiisa ku meel mari karin oo had iyo jeer cid ku tiirsan.
page : 10 of 73
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>