kabo
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-btay, -batay)1. (f.g) Wax jabay kabniin ku samaysasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kabo ↴
aalad-kabniin [m.dh] (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.
jaamuus [m.dh]
1. Lo' gisi. 2. Kabo raggu qaato adag, saan geri ka samaysan oo marka lagu socdo dhawaaqa.
jaangoo [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-gooyay, -gooysay)
1. (f.g) Wax qorshaysan samayn. 2. (f.mg) Ku j.: wax, wax kale ka simid. 3. (f.g) Kabo jaan u samayn.
jaanqaad [m.l]
1. Qaadidda tallaabada shanqarta ka yeerta (qof kabo qaba). 2. Saanqaad; socod. 3. ld jaanqaadid.
jaanqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin (qof kabo qaba). 2. Saanqaadid; socosho.
jaansaar [m.l]
Saaridda kabo duug ah la saaro jaan cusub.
bambiiro [m.dh]
1. Shey jilicsan, ramal ka sameysan oo midabbo iyo tooxyo kala duwan leh oo biyaha celiya. 2. Xarko dhudhuuban oo lacagta lagu rito oo ramal ka samaysan. 3. B. ah: kabo ramal ah oo roobka laga gashado. ld ambiiro.
cagaag [m.l]
1. Wax sida dhagax, gaxandho iwm oo cagaha waxyeela marka kabo la'aan lagu socdo. 2. Meel leh dhagax, gaxandho iwm oo cagaha waxyeela marka kabo la'aan lagu socdo. 3. Dhibaatada caguhu ka mutaan marka lagu socdo meel leh dhagax, qaruurax, gaxandho iwm. 4. ld cagaagid.
cagaagan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Wax aan kabo haysan ahaansho.
cagacad [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-ddaa, -ddayd)
Wax aan kabo xiranayn ahaansho.