xabbururis ld xabbururin.
xabeeb (1) (daaw.) Codka dadka oo qeex-naantu ka ba'do ama si fiican u soo bixi waaya, dalqada iyo cunaha oo wax gaareen darteed.
xabeeb (2) Cod, xabeeb yeelasho.
xabeebi 1. Cid xabeeb u yeelid. 2. Cid xiijin.
xabeebid eeg xabeeb².
xabeebin eeg xabeebi.
xabeebsad ld xabeebsasho.
xabeebsan Wax xabeeb yeeshay ahaansho.
xabeebsanaan eeg xabeebsan. ld xabeebsanaansho.
xabeebsanaansho ld xabeebsanaan.
xabeebsasho eeg xabeebso. ld xa-beebsad.
xabeebso Wax xabeeb yeeshay noqosho.
xabeed (c.nafl.) Walax isjiidanayso oo ay ku dhiijiyaan unugyada “goblet” xuub xabeedka korkiisa si uu u ilaaliyo una subko, iyo si uu u soo dabo bakteeriyada, saxarrada boodhka iwm.
xabiib Qof gacal ah ama saaxiib lillaahi ah.
xabkaysad ld xabkaysasho.
xabkaysasho eeg xabkayso. ld xabkay-sad, xabkaysi.
xabkaysi ld xabkaysasho.
xabkayso 1. Xabag gurasho. 2. Meelo kala duwan ka qaraabasho.
xabow Geed aan qodax lahayn oo badaha agtooda ka baxa oo geelu jecelyahay.
xabsi ld xabbis¹.
xabud 1. Baruurta bogga korkiisa ka baxda. 2. Laab; xabad.
xabuubane Badar aan wasaq lahayn.
xabxab Qare.
xad Hanti qof kale leeyahay si qarsoodi ah u qaadasho.
xad (1) 1. Xudduud; soohdin. 2. ld xaj.
xad (2) (taar.) Xarriiqda kala qaybisa laba hanti ma guurto ah ama laba waddan.
xad (3) 1. Wax is-hortaagid. 2. Wax dhibid.
xad-awoodeed (qaan.) Awood maxkamad sharciyeed ama madax sare oo ku gaara go'aan ama fuliya sharci.
xad-dhaaf (1) Meeshii laysu asteeyay oo la dhaafo; xadka oo laga baxo.
xad-dhaaf (2) 1. Wax aan la koobi karin noqosho. 2. Wax qiyaastoodii dhaafid.
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>