A➲Y
Qaamuus.netHodan ku noqo afkaaga hooyo!

AFKA & AQOONTA: Af qalaad Aqoontu miyaa? – W/Q. Cilmi Faradheere

afqalaadIn kasta oo aanan eheyn qof Afka, Erayga iyo agaasimkiisaba daadiyay, haddana, waxaan doonayaa inaan aragtideyda gaaban ka soo gudbiyo arrin aan

u arkay iney muhiim tahay, ma maagayo cidna, cid kalana uma maara-guntinayo, balse, waxaan soo gudbin fakarkeyga iyo sidey ila tahay.
Qoraalkan oo aan ku eegi doono kuna turxaan bixin doono inta kaskeyga iyo karaankeyga ah “AfKA iyo AQOONTA” oo aan ku lammaanshay Mahadhadii Abwaan Cali Sugulle “Dun Carbeed” ee ahayd “Af qalaad aqoontu miyaa?” dibna looga dhigay hees ay ku xareediyaan labada Fannaan Xasan Diiriye Faarax iyo Boqoradda Fanka Xaliima Khaliif “Magool” waxaan ku bilaabay dhanka hoose ee cinwaanka qormadana yaalla Weydiin Abwaan soomaaliyeed tobannaan sano ka hor inna weydiiyay, taas oo ah “Af-qalaad aqoontu miyaa?” waa weydiin mudan in dadka waqti xaadirkan nool la soo xasuusiyo, lana weydiiyo, bal iney jawaab waafi ah u helaan. dabcan ka jawaab celinteedu afka iyo aragtida gaaban wey u sahlantahay, horana waan ka soo tuuri karnaa, oo waxaa markiiba la lasoo boodayaa “maya, ma ahan af-qalaad aqoontu” waa jawaab sax ah qof walibana, ha ahaado aqoonyahan ama ruux kalaba e, uu haleeli ogyahay, balse, qofkii jawaabtaas bixiyay marka asaga dhaqankiisa iyo noloshiisa la barbardhigo jawaabtii uu bixiyay waxaan heleynaa kala duwaansho weyn, haba u badnaato dadka aqoonta isbidaye!
Inta aanan u galin gorfeynta godobta Afka laga galay, bal horta aan helno jawaabta ugu habboon ee weydiintaas aan idinsoo hordhigay. Meel dheer annaga oo aan ka doondoonin horta maxuu ugu jawaab celiyay Abwaankii su`aasha keenay? Runtii, waxa uu ka bixiyay jawaab waafi ah, una baahneyn in mid kale la doondoono. Haddaba maxuu yiri? Asoon waqti badan iskaga lumin falanqeyn badan, ayuu jawaab gaaban balse mug weyn waxa uu ku yiri:-

“Waa intuu qofba Eebbe geshaa
Ayeey nala tahay annagee”

Intaas kagama uusan harin, ee waxa uu sii daba dhigay dhowr jawaabood oo sharraxaad dheeri ah ka bixinaya jawaabta hore, isla markaana waxa uu sii raacshay weydiimo kale, waxa uuna yiri:-

“Ma ogtahay dib looma abuuro dadkee
Ma ogtahay aqoonta amaah layskuma siiyee
Ma ogtahay aqoonta abaal layskuma saartee
Ma ogtahay aqoonta miyaa la iibsan karaa?
Ma ogtahay aqoonta miyaa la so ergadaa?”

Weydiimahan danbe ayaa u muuqda kuwa ka adag tii hore, una baahan jawaab faahfaahsan, haddaba maxuu Abwaanku ka yiri ayagana? Dabcan ayagana mel dheer umuu doonin oo waxuu siiyay jawaabtii hore.

“Waa intuu qofba eebbe geshaa
Ayey nala tahay annagee”

Waa biyo kama dhibcaan Abwaan Cali Sugulle “Dun Carbeed” waa intuu qofba Eebbe galshaa, ayay nala tahay annagana.

Waxaa hubaal ah in qofkii Ku taxan, oo wax ka aqriya ama wax ka qora howlaha waxbarashada dalka, uu aad kaga dharagsanyahay dulmiga Afka soomaaliga lagu hayo. Qof kasta oo 20 kii sano ee la soo dhaafay ka soo baxay Dugsiyada dalka, waxa uu korka ka soo qeybay, Naxwaha afka Ingiriiska iyo kan Carabigaba. Waa dhici kartaa inaad ku dooddo anigu maan soo baran, balse, muhiimaddu maahan adigu ma baratay mise? adaaba dibjir ah haddii aanad baran cashirkii laguu soo dhigay. Muhiimaddu waxay tahay, in si faahfaahsan loogu dhigo dhammaan dugsiyada dalka, gobolkuu doono ha ku yaallo, Manhajkii uu doonana ha hoos tago, kooxdii doontana ha heysatee.

Taasi micnaheedu maahan inaan leeyahay yaan la baran Carabi iyo Ingiriis, balse, weydiinta aan rabo inaan soo gudbiyo ayaa ah, maxaan sida afafka qalaad loogu duubtay afkeenna hooyo loogu duuban, oo aan loo daneyn? waxaad i dhihi kartaan, oo aad ku andacoon doontaan, afafkan waxaa qoray oo horumariyay dadkii lahaa, afka soomaaligana cid hore u daryeeshay ma jirto, amaba waxaad dhihi kartaan Af-soomaali waaanu naqaannaaye, maxaa nala bari? Weydiimahaas oo kale waxaan kaga jawaabay, MAYA, duullaan afeed baa soconaya!, waa kan afkii soomaaliga sii wiiqmaya, kana haajiraya goobaha waxbarashada, dhaxalkiisana waxa uu noqday, in ardaga dugsi sare ka baxaa uusan aqrisan Karin buug waxii uu soo bartay ee Af-soomaali ahi ku qoranyihiin, una badan Maaddooyinka Cilmiga ah {Science-ka}.
Maahmaah ayaa eheyd “Ratiga yari Ratiga weyn saan-qaadkiisa leh” hadda kumaa kan kale saanqaadkiisa leh? Waxaan kaga jeedaa, in aan lagu diimin dhallinyaro afka calaanjinaya, waayo saan sheegayba fursad umey helin, balse, waxaa wax lala yaabo ah, ragga aqoonta is biday, mid kasta oo hadlaya aanu hadalkiisa ka saari Karin eray qalaad, hadda ogoow hee badankood waa raggii afka hooyo wax kusoo bartay!!

Oraah dhaheysa ayaa jirta “Af-kaada hooyo intaad ka taqaan ayaad Af-qalaadna ka barataa” waa run, afkaada adoon aqoon oo aan erayga iyo ujeedkiisa kala saari Karin, waa wax aan la diidi Karin, in aanad Af kale sidey tahay u baran doonin, waa dood furan inaad tiraahdo, sow tan ayagoon aqoon Af iyo agaasim toona, ay Afka qalaad boobayaan? maya, taasi Af yaqaannimo maahan, tusaale, umadda soomaaliyeed oo dhan afka wey ku hadlaan, balse, dad aad u yar unbaa Af-yaqaan ah, haddiise aan afkeenna dayacno, oo aan is diidsiinno, kumaa noo daryeeli doono amase ka damqan doona? Waa weydiin u mudan in aanu in badan isweydiinno, waase ciddii dareensan!.

Guntii iyo gabagabadii, qormadeydan gaaban waxaan ku soo gunaanadi lahaa, tix gaaban oo aan godobtii aanu Afka ka galnay, kaga xaal mariyay, Balse waxaa la yiri “Meel hoo u baahan hadal wax uma taro”, haa dabcan, meel hoo u baahan hadal ma bogsiiyo, Af daryeel dhab ah u baahanna, tix yaroo meel lagu qoraa wax uma tarto, haddana sidaad rabtay haddii aad weyso saad ka badin weysaa la yeelaa, tixdiina waa tane ka bogasho wacan:

Nin Afkiisa daayacay,
Dulli kama fogaadoo,
Dabin kama baxsanayoo,
Dulmi kama gashaantoo,
Duni kama dhex-muuqdee,
Afka yaan la daqarreyn,
Oo yaanan laga didin,
Waa waxaan ku duulnoo,
Ku dagaallameeyniyo,
waa dufaaca koobaad,
Dadka kalane dheernahay,
Yaan daacuf lagu oran,
Daah yaanan lagu rogin,
Ubadkana ku daaddihi,
Ha dawowdo boogtiyo,
Daqarrada ku jiidane,

Durugsane afkeygoow,
Murti iyo dabuuboow,
Deel iyo hingaadoow,
Damal iyo harkiisoow,
Dawo iyo baraaroow,
Deeq iyo wanaagoow,
Haddii aan ku daayacay,
Kuma aan dabooline,
Daryeelkaa xumaadaye,
Maraan kuu dabbaldagi,
Dacda iyo hillaantiyo,
Kaa duubi jaqantiga,
Kugu daahay sanadaha,
Oo aad la daris tahay.

Cilmi A. Faradheere
Email: garaar3@hotmail.com

La Wadaag Baraha Bulshada