kabso 1. (f.g) Kabo illasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid.
kabtan Sarkaal saddex xiddigood leh; dhamme.
kabti1 1. Orod xoog loo ordo ilaa laga xiiqo; fagax. 2. Fogaan qof ku xiiqo. kabti2 Ilaa laga xiiqo xoog u ordid. kabtin Masaafo aad u dheer.
kabtiyid eeg kabti².
kabud Cudur oogada u yeela nabarro badan oo buurbuuran oo baruur adag ah.
kabuubyo Dareemaha xubnaha jirka midkood oo is dhimma waxyeello darteed lana dareemo jiriiricyo.
kabuubyoo Kabuub-yoo dareemid.
kabuubyood eeg kabuubyoo.
kac 1. Istaagid, joogsasho, sarakicid. 2. Maalbeelid, khasaarid. 3. Roob da'ayey qaadid. 4. U k.: tegid, aadid. 5. Ula k.: kas u yeelid; maagid. 6. Ku k.: yeelid, samayn.
kacaamayn eeg kacaamee. ld ka-caamin.
kacaamee 1. Cid kacaan ka dhigid. 2. Wax cusbooneysiin. ld kacaami.
kacaami ld kacaamee.
kacaamid eeg kacaan². ld kacaan¹ (4).
kacaamin ld kacaamayn.
kacaan1 1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo. 4. ld kacaamid. kacaan2 1. Hiyi kicid. 2. Hawo isbeddelid. kacaanad K. ah: haweenay kacaan ah.
kacaandiid Qof aan mabaadi'kacaan u hoggaansanayn.
kacaannimo Kacaan ahaansho.
kacbo ld kabco.
kacdimi 1. Faras kacdin cayrin. 2. Faras kacdin gelin. ld kactimi.
kacdimid eeg kacdin². ld kacdin¹, kactin¹.
kacdimin eeg kacdimi. ld kactimin.
kacdin1 1. Orodka fardaha billowga ilaa iyo inta uu ka xiiqaayo. 2. Booddada hore oo farasku orodka billaabaayo. ld kacdimid. kacdin2 Faras kacdin ordid. ld kactin². kacdood1 1. Dib u caaliridda nabar la moodaayay in uu bogsooday dib u caaliro. 2. ld kacdoodid. ld kacdoon. kacdood2 Nabar inuu bogsaday la moodayey caalirid. ld kacdoon². kacdoodid eeg kacdood². ld kac-dood¹, kacdoomid, kacdoon¹.
page : 11 of 73
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>