rafacasho eeg rafaco.
rafacid eeg rafac.
rafacnaan eeg rafacan. ld rafac-naansho.
rafacnaansho ld rafacnaan.
rafaco Qalab iwm urursasho.
rafad ld rafasho.
rafasho eeg rafo. ld rafad.
rafcaan Go'aan maxkamadeed oo max-kamad ka sarreysa looga dacwoodo. ld racfaan.
rafcaanle Qof rafcaan qaata.
rafcaansane Qofka go'aanku u dhaco ee rafcaanka laga qaato.
rafiiq1 Saaxiib; waday. rafiiq2 La r.: qof la saaxiibid. rafiiqid eeg rafiiq².
rafiiqnimo Rafiiq ahaansho.
rafiso Hanti horumarin ahaan looga qaato cid diyo lagu yeeshay.
rafo 1. Nafley xanuun dartii la galgalasho. 2. Arrin ka libkeeni-deed dadaal badan u sameyn.
rag 1. Koox dad ah oo lab. 2. R. ah: qof karti iyo awood dheeraad ah leh.
ragaad1 1. Qodax weyn oo geela cagtiisa hoose mudda. 2. Sallaanka (jaranjarada) meesha cagta la saaro. 3. Bir madax ballaaran, daab leh oo geela cudurrada looga gubo. ragaad2 Neef geel ah cagtiisa hoose qodax mudid. ragaadi Neef geel ah ragaad ka bixin.
ragaadid eeg ragaad².
ragaadin eeg ragaadi.
ragaadsan Neef geel ah oo ragaaday ahaansho.
ragaadsanaan eeg ragaadsan. ld ragaadsanaansho.
ragaadsanaansho ld ragaadsanaan.
ragaal Xilli roob dhamaaday, geedi-hiina caleen dhacsadeen, xooluhuna bilaa-been biya cabid ama bilaabayaan. ld rag-gaal.
ragac Taayar, maro, iwm wax karin saarid.
ragannimo Rag ahaansho.
ragcad 1. (dii.) (ruguuc, m.dh) Gabal yar oo taayar, maro iwm oo la karayo la nooc ah oo meesha daloosha ama dillacsan lagu dhejiyo; karin. 2. (-do, m.l) ld rakcad.
ragcan Maro, taayar iwm wax la ragcay ahaansho.
page : 12 of 40
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>