raaxaysad ld raaxaysasho.
raaxaysan Wax raaxo ku jiro ahaansho.
raaxaysasho eeg raaxayso. ld raaxaysad, raaxaysi.
raaxaysi ld raaxaysasho.
raaxaysnaan eeg raaxaysan. ld raaxaysnaansho.
raaxaysnaansho ld raaxaysnaan.
raaxayso 1. Nolol raaxo leh ku noolaansho. 2. Nasasho; daaltirasho.
raaxee 1. U r.: cid nolol raaxo leh ku noolaysiin. 2. U r.: qof niyaddiisa farxad gelin.
raaxo 1. Nolol aan dhib lahayn. 2. ld raaxayn.
raay 1. Xiniin. 2. Dad wada dhalasho ka dhaxayso laan ka farcantay; jilib.
raayo 1. Daruur yar oo markaas di'id bilaabaysa. 2. Xiniiniyo.
rab1 Qarka meesha ugu sarreysa oo aan la fuuli karin. rab2 Meel; kob. rab3 Wax niyadda ka jeclaysasho. rabaal Meel taag ah ama kur ah.
rabadin 1. Meel la degi karo oo bannaan hareerahana dhir ama buuro ka xigaan. 2. Xero; hoy.
rabaqaad1 Ratibaadda ama horsiimaynta kutirsaneyaasha urur. rabaqaad2 (xis.) Ratibaad kasta oo kutirsaneyaasha urur la siinayo horsiimo huban. Summadda nP, waxay u taagantahay tirada raabaqaad n shey oo markiiba la qaato r shey sida; 5P3 waa tirada raabaqaad 5 shey oo markiiba la qaatay 3 shey. rabash1 Rabsho; fidmo; qulqulad; qas. ld rabshad, rabsho. rabash2 Cid qulquladayn. ld rabshadee, rabshee. rabbaas1 Orod boodbood leh. ld rabbaasid. rabbaas2 Orod boodbood leh samayn (nafley). rabbaasid eeg rabbaas². ld rabbaas¹.
rabbaayad Xayawaan la baray inuu dadka la dhaqmo.
rabbadh (kiim.) Walax taran badan oo laastiig ah oo macmal ama dabiici ah.
rabbayn eeg rabbee.
rabbaysan1 1. Ubad si habboon u barbaarid. 2. Xayawaan rabbaayad noqosho. rabbaysan2 1. Ubad si habboon u barbaaray ahaansho. 2. Xaya-waan rabbaayad ahaansho. rabbaysasho eeg rabbayso. ld rab-baysi.
rabbaysi ld rabbaysasho.
page : 8 of 40
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>