ragcanaan eeg ragcan. ld ragca-naansho.
ragcanaansho ld ragcanaan.
ragcasho eeg ragco.
ragcid eeg ragac.
ragco Taayar maro iwm karin saarasho.
raggaal ld ragaal.
ragle ld raqle.
raglee ld raqlee.
ragleyn ld raqleyn.
ragragasho eeg ragrago².
ragrago1 Digasho ismuujin iyo faan ku jiro. ragrago2 Ku r.: ragannimo iyo awood dheeraad ah cid ugu faanid iyada oo lagu diganayo. ragrif R. ah: nin aan waxtarin, ninka waxtarka ahna dhaliila.
ragtirsi Hab qaanta loo baxsho oo ku salaysan xoolaha la bixinayo iyo dadka wax bixinaya in laysu tiriyo.
rah (c.nafl.) Berribiyood aan lahayn dabo, leh laba lugood oo ka dhaadheer kuwa hore, boodboodka ku socda, marka uu biyo ku dhex jirana sameeya dhawaaq badan, xubno cad oo adagna qawlallada ku yeesha. ld rake.
rahaamad1 Hanti laga sii hayo cid wax amaahatay. ld rahan². rahaamad2 (dhaq.) Lacag, dahab, guri ama dhul rahan ahaan loo dhigo marka bangi ama cid kale laga qaadanayo dayn. Haddii deynqaatuhu bixin waayo lacagta uu qaatay amaah-bixiyaha waxaa, si sharci ahaan lagu wareejinayaa rahaamadda. rahaamad3 Cid wax amaahatay damaanad dhigid. rahaamadan Shay wax rahmad loo haysto ahaansho.
rahaamadasho eeg rahaamado.
rahaamadid eeg rahaamad³.
rahaamadnaan eeg rahaamadan. ld rahaamadnaansho.
rahaamadnaansho ld rahaamad-naan.
rahaamado Hanti rahan ahaan u dhiibasho.
rahamasho eeg rahmo.
rahan1 Cagaar badan oo ka baxa meel roob ku da'ay. rahan2 ld rahaamad¹. rahan3 1. Hanti curaar ahaan u dhiibid. 2. Arrin ka hadalkeeda dib u dhigid. rahman 1. Hanti curaar ahaan loo dhiibay ahaansho. 2. Arrin ka hadalkeeda dib loo dhigay ahaansho.
rahmanaan eeg rahman. ld rahmanaansho.
page : 13 of 40
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>