oktoobar Sanad qorraxeedka bishiisa tobnaad.
ol'ole Isku dubbarididda si dhakhso ah la isugu dubbarido hawl, arrin iwm. ld olole.
ol'olee Olole samayn. ld ololee.
ol'oleyn eeg ol'olee. ld ololeyn.
olkee Hees iwm cod macaan oo dheer ku qaadid.
olkeyn eeg olkee.
olko Luuq macaan oo heesaha iwm lagu qaado.
ollog (1) 1. Daymo, fiiro. 2. Dhowaan. 3. Deris.
ollog (2) Wax si gaar ah u dayid.
ollogid eeg ollog².
ollogleh U o.: wax meel u dhow ahaansho.
olmomid eeg olmon.
olmon U o.: wax awood u leh in uu ka hortago wax kale noqosho.
olol (1) 1. Holac. 2. Cida geela marka uu oomman yahay ama ubadkiisa waayo.
olol (2) 1. Dab holcid. 2. Geel oomman ama ubadkiisa waayey ciyid.
ololayn eeg ololee. ld ol'olayn.
olole ld ol'ole.
ololee ld ol'olee.
ololi 1. Dab olol u yeelid. 2. Wax dab qabadsiin.
ololid eeg olol².
ololin eeg ololi.
ololsan Wax ololay ahaansho (dab).
ololsanaan eeg ololsan. ld ololsanaansho.
ololsanaansho ld ololsanaan.
omos Dhul kulul oo aan biyo lahayn; oommane.
onkod (1) Shanqar weyn oo kolkay daruuraha biyaha leh isku dhacaan ka yeerta; gugac. ld unkod.
onkod (2) Daruuro biyeysan oo isku dhacay shanqarid; gugacid.
onkodid eeg onkod².
onkojiin (baay.) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.
onkooloji (daaw.) Barashada iyo ku shaqeynta daaweeynta kansarka.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>