Ereyga Maanta: findoob
duwan 1. Ka d.: wax la duway ahaansho. 2. Kala d.: wax, wax kale aan la nooc ahayn ahaansho.
duwanaan eeg duwan. ld duwa- naansho.
duwanaansho eeg duwanow. ld duwanaan.
duwanow Ka d.: wax aan wax kale la nooc ahayn noqosho.
duwasho eeg duwo.
duwid eeg duw.
duwo Wax leexsasho (cid).
dux (1) Dufan, dheef, shux.
dux (2) (baay.) Koox iskudhis oorgaanika ah oo laga helo noolayasha kuwaas oo aan ku milmin biyaha haseyeeshee ku milma milayaasha oorgaanikada sida koloorofoom, baasiin iwm.
dux (3) Laf iwm dufan dibadda u soo saarid.
dux-foosfeyt (kiim.) Dux ay ku jirto koox foosfeyt oo qayb muhiim ka ah molikiyuulka. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey gilisarool ku dhegsan laba asiidh duxeed, koox foosfeyt iyo beys naytaroojiin. D.f.ku waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka samaysanyihiin xuubabka unuggu.
duxi (1) ld dixi.
duxi (2) Laf iwm dux ka dhalin.
duxid eeg dux³.
duxin eeg duxi². ld duxis.
duxis ld duxin.
duxsad ld duxsasho.
duxsasho eeg duxso. ld duxsad, duxsi.
duxsi ld duxsasho.
duxso Laf iwm dux ka miirasho.
<< < 213 214 215 216 217 218