Ereyga Maanta: hirqad
daacad  Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.
daacadnimo  Daacad ahaansho.
daacadxumo  Daacadnimo la'aan.
daacaqurmid  eeg daacaqurun². ld dacwashiirid.
daacaqurun1  Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. ld dacwashiir¹. daacaqurun2  Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. ld dacawashiir². daacasho  ld daacid.
daaci1  D. ah: neef aad caato u ah. daaci2  1. (f.g) In weyn oo wax hoore ah shubid. 2. (f.mg) Fatihid (webi). daacid  eeg daac². ld daacasho.
daacin  eeg daaci².
daaco1  1. Neef dhawaaq leh, caloosha ka timaadda oo afka ka soo baxda. 2. Dhul godan oo aan dhir lahayn. daaco2  ld daac². daacuf  Timo ama dhogor dheer, si xun u baxay ama aan la habeyn.
daacufle  Qof ama neef daacuf ah.
daacuun1  Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. ld daacuun-calooleed, daacuuncaloolo. daacuun2  Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas. daacuun-calooleed  ld daacuun¹.
daacuuncaloolo  ld daacuun¹.
daacwashiir1  Daacaqurun. daacwashiir2  Daacaqurmid. daacwashiirid  eeg daacwashiir².
daad1  1. Biyo xoog leh oo faafa oo ka yimaadda roob da'ay ama webi fatahay. 2. Qaybta roobka ka mid ah oo ugu dambaysti gaarta duruuraha. daad2  (juqr.) Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah. daad3  Biyo badan oo ka yimid roob da'ay ama webi fatahay faafid. daadad  ld daadasho.
daadasho  eeg daado. ld daadad.
daaddah  Eray carruurta yaryar lagu yiraahdo kolka gacnaha la hayo oo socodka la barayo.
daaddeg1  Meel taag ah gollaheeda. daaddeg2  (juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.
page : 3 of 218
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>