Ereyga Maanta: iimee
daaddeg (3) Ka d.: meel taag ah hoos uga dhaadhicid.
daaddegid eeg daaddeg³.
daaddihi 1. Ilmo yar socod barid. 2. Wax si tartiib ah u wadid.
daadduf (1) ld daaduf¹.
daadduf (2) ld daaduf².
daaddufid ld daadufid.
daadduumi Feer, laad iwm cid dhulka la dhigid. ld daadduunsii, daanduumi, daanduunsii.
daadduumid eeg daadduun². ld daanduumid.
daadduumin eeg daadduumi. ld daadduunsiin, daanduumin, daanduun- siin.
daadduun (1) Qof cayrnimo awgeed la bayhoofay. ld daanduun¹.
daadduun (2) Cayrnimo darteed la bayhoofid. ld daanduun².
daadduunshe Budh weyn oo lagu dagaalamo. ld daanduunshe.
daadduunsii ld daadduumi.
daadduunsiin ld daadduumin.
daadgurayn eeg daadguree.
daadguree 1. Wax badan meel si degdeg ah uga qaadid. 2. Wax iyadoo meel kale la geynayo halis ka badbaadin.
daadi Wax meel ay ku jireen ka geddin.
daadid eeg daad².
daadin eeg daadi. ld daadis.
daadis ld daadin.
daado 1. Wax meel ku jiray qubasho. 2. Qosol la d.: ilaa laga ilmeeyay qoslid (dad badan).
daadsan Wax la daadiyay ahaansho.
daadsanaan eeg daadsan. ld daad-sanaansho.
daadsanaansho ld daadsanaan.
daaduf (1) Qof shaqsiyaddiisu liidato oo cayr ah. ld daadduf¹.
daaduf (2) Qof cayrnimo darteed la carcaraafid. ld daadduf².
daadufid eeg daaduf². ld daaddufid.
daadxoor 1. Xumbo saaruq wadata oo ka samaysanta xawliga biyaha, siiba daadadka. 2. Saaruqda daadadka ka harta.
daaf Doc; dinac; hareer.
daaf (1) Xanuun indhaha ku dhaca; bakooro.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>