Ereyga Maanta: qawadid
etooloji  (baay.) Barashada bayoolajiga asawga xayawaanka.
exayso  Dan awgeed wax u doorasho (cid).
ey1  ld eey¹. ey2  ld eey². eyddin  1. Xanuun daran oo saableyda wareema; oof. 2. Noocyada geela mid ka mid ah. 3. Meesha qodaxdu muddo nabar ka samaysan. 4. Tolliin gacmeed ka horreeya tolliinka harqaanka.
eydhis  (daaw.)(AIDS) Cudur uu keeno fiirus wuxuuna ku yimaadaa fiiruska oo baabi'ya qaybhoosaad ka mid ah unugyada “linfosaytis” la yiraahdo taaso keenta hoos u dhicid difaaca jirka. E.ku, sida badan, wuxu ka mid yahay cudurrada galmada.
eyfaad1  Arrin murugsan daawo u helid. ld eynfaad¹. eyfaad2  Dhibaato culus awgeed la dalaabid. ld eynfaad². eyfaadid  eeg eyfaad². ld eynfaadid.
eyfaadsan  Wax eynfaad ku dhacay ahaansho (qof). ld eynfaadsan.
eyfaadsanaan  ld eyfaadsanaansho, eynfaadsanaan, eynfaadsanaansho.
eyfaadsanaansho  ld eyfaadsanaan.
eymaanyo  1. Nooc kalluunka ka mid ah oo hoosta isaga dhejiya maraakiibta, qubada iwm si uu cunto uga helo. 2. Nooc boolaboolada ka mid ah.
eynaad  (bot.) Geed leh caleemo yaryar, qodxo gaagaaban, ur silloon iyo asal guduudan; tarraxo. ld eynood.
eynfaad1  ld eyfaad¹. eynfaad2  ld eyfaad². eynfaadid  ld eyfaadid.
eynfaadsan  ld eyfaadsan.
eynfaadsanaan  ld eyfaadsanaan.
eynfaadsanaansho  ld eynfaadsanaan.
eyni  Cumri; qeyr; da'.
eynood  ld eynaad.
eysin1  Wiilka walaashu dhasho. eysin2  Gabadha walaashu dhasho.
page : 9 of 9
<< < 4 5 6 7 8 9